Sunday, October 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasime Marwo Dr Hanan Balkhy

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasime Marwo Dr Hanan Balkhy
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabiley wafdi ay hoggaamineyso Agaasimaha Hey’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ee Gobolka Bariga Badda Mediterranean, Marwo Dr Hanan Balkhy.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Agaasimaha ayaa ka wada hadlay xoojinta dadaallada kor loogu qaadayo nidaamka caafimaad ee dalka iyo tababarrada shaqaalaha caafimaadka, taageerada isbitaalada Hooyada iyo dhallaanka iyadoo diirada la saarayo sidii looga hortagi lahaa xaaladaha caafimaad ee ka dhasha saamaynta isbeddelka cimilada, sida abaaraha iyo fatahaadaha kuwaas oo keenaya xaalado caafimaad oo deg deg ah oo ay kamid yihiin cudurrada faafa.

Related posts

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandigga Oo Booqday Degmada Awdheegle

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandigga Oo Booqday Degmada Awdheegle

October 19, 2025
Shirkii Madasha arrimaha beni’aadannimada ee dalka oo lagu qabanayo Jowhar

Shirkii Madasha arrimaha beni’aadannimada ee dalka oo lagu qabanayo Jowhar

October 18, 2025

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa bogaadiyey taageerada joogtada ah ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka, ee Soomaaliya isagoo ammaanay sida wadajirka ah ee ay ugala shaqeeyaan Wasaaradda Caafimaadka ka hortagga cudurada faafa iyo kor u qaadista adeegyada caafimaad ee kala duwan.

Dr Hanan Balkhy, ayaa dhankeeda ballan qaadey in Hay’adda Caafimaadka Adduunka ay dowladda Soomaaliya kala shaqayn doonaan horumarinta nidaamka caafimaadka dalka.

 

Previous Post

Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo qaabilay ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay

Next Post

Maamulka Galkacyo oo shahaadooyin guddoonsiiyay Haween la baray xirfado ay ku shaqeeystaan

Next Post
Maamulka Galkacyo oo shahaadooyin guddoonsiiyay Haween la baray xirfado ay ku shaqeeystaan

Maamulka Galkacyo oo shahaadooyin guddoonsiiyay Haween la baray xirfado ay ku shaqeeystaan

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandigga Oo Booqday Degmada Awdheegle

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandigga Oo Booqday Degmada Awdheegle

October 19, 2025
0

RADIO MUQDISHO(AWDHEEGLE):- Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye...

Shirkii Madasha arrimaha beni’aadannimada ee dalka oo lagu qabanayo Jowhar

Shirkii Madasha arrimaha beni’aadannimada ee dalka oo lagu qabanayo Jowhar

October 18, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirrada gargaarka dowlad gobaleedyada...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ISTANBUL):-Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan iyo Wasiirka Ganacsiga ee Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In