Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dib ugu soo laabtay Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dib ugu soo laabtay Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib ka qeyb-galkii shirka WUF12 ee ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa si diirran ugu soo dhoweeyay Wasiirro Xildhibaanno ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka, iyo mas’uuliyiin ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay) ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo madaxda kale ee soo dhaweeyay wafdigiisa, isagoo ka hadlay muhiimadda shirka WUF12 ee ay ka qeyb galeen iyo fursadaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya ka heli karto iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan horumarinta magaalooyinka iyo xalalka waara ee dalka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dadaallada Xukuumadda ee ku saabsan horumarinta magaalooyinka iyo xalinta dhibaatooyinka barakacayaasha ay noqon doonaan kuwo la taaban karo oo waxtar u leh shacabka Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Taliska Booliska oo Kutubo Qur’aan ah u qeybiyay maxaabiista ku xiran xabsiyada Gobalka

Next Post

Guddiga KMG ah ee Labada Aqal ee BJFS u xilsaaran xeerarka doorashooyinka oo guddoon doortay

Next Post
Guddiga KMG ah ee Labada Aqal ee BJFS u xilsaaran xeerarka doorashooyinka oo guddoon doortay

Guddiga KMG ah ee Labada Aqal ee BJFS u xilsaaran xeerarka doorashooyinka oo guddoon doortay

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In