Thursday, July 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo guddoomiyey kulan muhiim ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo guddoomiyey kulan muhiim ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey shirar gaar gaar ah oo looga hadlayey u diyaar-garowga iyo ka jawaabista abaarta la saadaalinayo ee La-nina kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee SoDMA.

Shirkaan oo laba qeyb ahaa ayaa qeybtiisa 1-aad waxaa diiradda lagu saaray ka hortagga abartaan, sidii loo kordhin lahaa wacyigalinta bulshada ee ku aaddan sida looga gaashaaman karo iyo qorshaha nimdaam ay dowladda hoggaaminayso la iskulana shaqeynaayo sidii looga jawaabi lahaa abaartaan, sidoo kale shirkan ayaa si qota dheer looga hadlay hoggaaminta iyo iskuduwidda arimaha ka jawaabidda xaaladaha degdegga ee hay’adda SoDMA iyadoo si dhow ula shaqayneeysa nidaamka Unified Social Registry (USR) ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Related posts

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026

Kulankaan waxaa ka soo qeyb-galay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya arrimaha Beni’aadannimada iyo horumarinta, iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, sidoo kale, shirka qeybtiisa 2-aad waxa uu Guddoomiyaha SoDMA la qaatay ku xigeenka Ergayga gaarha ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna isku duwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Sooomaaliya Mudane George Conway oo ay wehliyaan Hay’adda Isku xirka arimaha biniaadannimada ee OCHA. Shirkaan waxaa looga hadlay u diyaar garowga shirka madasha iskuduwidda arimaha biniaadannimada (Country Humanitarian Forum) ee ka dhici doona Magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka, Mudane Maxamuud Macallin ayaa ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa ka shaqeeya horumarinta in loo diyaar garoobo abaarta La-nina iyo in ay dhinacayadan iyo SoDMA si dhaw uga wada shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa sameenta ay ku yeelan karto abartaan dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada nugul.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo boggaadiyay ansixinta guddiga Doorashooyinka Qaranka

Next Post

Madaxweynaha Turkiga oo xafiiskiisa ku qaabbilay Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamanada labada dal

Next Post
Madaxweynaha Turkiga oo xafiiskiisa ku qaabbilay Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamanada labada dal

Madaxweynaha Turkiga oo xafiiskiisa ku qaabbilay Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamanada labada dal

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

Shaqsiyaadkii kaalinta muuqata ka qaatay xuska Toddobaadka Xorriyadda oo xaflad loo qabta

July 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xaflad abaalmarin iyo maamuus ah u qabtay haldooradii...

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

IGAD oo Dardargelinaysa Taageerada Ansixinta iyo Dhaqan-gelinta Heshiiska Xorriyadda Isu-socodka Dadka ee Soomaaliya

July 8, 2026
0

Urur-goboleedka Iskaashiga Horumarinta Bariga Afrika (IGAD) ayaa Arbacadii sii xoojiyey dadaallada uu ku taageerayo Soomaaliya sidii loo dardargelin lahaa ansixinta...

DAAWO SAWIRRADA: Howlgalkii Ciidanka Ay Kula Wareegeen Kuntuwaareey Iyo Carruur Ay Soo Furteen

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 8, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Ammaanka Jubbaland, ayaa waaberigii maanta howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Taliyaha CXDS oo kormeeray Dugsiga Tababarka Qorilow

July 8, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In