Thursday, July 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Batroolka Qaranka oo kulan kula.qaatay qeybaha Bulshada Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Batroolka Qaranka oo kulan kula.qaatay qeybaha Bulshada Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo agaasintay Hay’adda Batroolka Qaranka, isla markaana ahaa mid bulshada loogu soo gudbinayay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay arimaha shidaal baarista Soomaaliya iyo halka ay haatan mareeyso ayaa waxaa ka qeyb galay Masuuliyiin ka socatay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug Odayaasha dhaqanka Iyo Ganacsato.

Ugu horeyn kulanka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka injineer Cabdulqaadir Maxamuud Aadan waxa uuna sharaxaad dheer ka bixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay arinta Shidaal Baarista Soomaaliya iyo heerka haatan ay mareeyso, isagoo dhinaca kalana bulshada la wadaagay ahmiyada iyo Faa’iidada Soomaaliya ay u yeelaneyso haddii lagu guuleysto Qodista Ceelasha haatan Sahankoodu guuleeystay iyo kuwa hadda kadib ay socdaan qorshahooda Sahminta.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026

Guddoomiye Cabdulqaadir ayaa sheegay in ujeedka socdaalkoodu uu yahay labo arimood oo kala ah ka warbixinta halka ay haatan ay wax marayaan iyo wacyi galin loo sameeynayo Bulshada taas oo ku aadan ka faa’iideeysiga fursadaha shaqo ee imaanaya

Duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Batroolka Qaranka xogta ay bulshada reer Gaalkacyo ka siiyeen halka ay marayaan dadaallada Baarista Shidaalka iyo miro dhalka ka muuqanaya, isagoo dhanka kalena sheegay in loo baahan yahay ka shaqeeynta Amniga

Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Mudug Badal Sheekh Liibaan oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay bogaadinayaan mira dhalka ka muuqda sahankii shidaalka iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay.

Kulanka oo intii uu socday ay ka hadleen xubno ka socday odayaasha dhaqanka ayaa waxaa gabagabadii ka hadlay Xildhibaan Yoonis Maxamed Shaare iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore oo sheegay in warbixinta ay usoo gudbiyeen Madaxda Hay’adda Batroolka Qaranka ay si weyn ugu qanceen ayna tahay mid muujineeysa guusha Soomaaliya gaartay balse loo.baahan yahay in la.garab istaago dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya.










Previous Post

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgallo Khawaarijta ka dhan ah ka wado deegaanno hoostaga Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud

Next Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Matxafka Aasaasihii Yugoslavia

Next Post
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Matxafka Aasaasihii Yugoslavia

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Matxafka Aasaasihii Yugoslavia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In