Thursday, May 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu hoggaaminayo gudoomiyaha Hay’adda Batroolka oo gaaray degmada Hobyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wafdi uu hoggaaminayo gudoomiyaha Hay’adda Batroolka oo gaaray degmada Hobyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed Injineer Cabdulqaadir Maxamuud Aadan oo ay wehliyeen howlwadeeno ka tirsan hay’adda, Maamulka Dagmada Hobyo, Ganacsato iyo saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ayaa maanta koormeer ku tagay qaar ka mid ah deegaannada ku yaala xeebaha degmada Hobyo kuwaas oo ka mid ah meelaha ay ka socdaan sahminta Shidaanka.

Mas’uuliyiinta ka socotay Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa intii kormeerkooda ay ku guda jireen waxa ay warbixinno la xariira halka ay mareyso shaqada sahminta Shidaalka iyo qorshayaasha la xariira ay la wadaageen Mas’uuliyiinta maamulka Dagmada Hobyo iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku sugan deegaan xeebeedyada ay kormeerka ku tageen iyagoo dhanka kalana ujeediyay wacyi galin la xiriirta ilaalinta deegaanka, ka faa’ideeysiga kheyraadka iyo fursadaha kale ee ku xeeran marka dhawaan lagu guuleeysto sahminta iyo soo saarista Shidaalka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026

Guddoomiyaha degmada Hobyo Cismaan Axmed Cabdulle oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka dagmada Mukhtaar Cabdullaahi Maxamed ayaa ugu horeyn ka hadlay ahmiyada ay degmada iyo deegaannada ku xeeran u leedahay kormeerka iyo qorshaha baarista Shidaalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka Injineer Cabdulqaadir Maxamuud Aadan ayaa ugu dambeyn ka warbixiyay ujeedka kormeerkooda iyo xeebaha ay kormeerka ku tageen ahmiyadda ay u leeyihiin sahminta Shidaalka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay La-taliyaha arrimaha dhallinyarada

Next Post

Dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Shabeelaha Dhexe

Next Post
Dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Shabeelaha Dhexe

Dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Shabeelaha Dhexe

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabbilay Danjiraha Cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

May 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo isku beddelay Agaasimayaal

May 14, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

Urur siyaasadeedka Talo Qarano o bogaadiyay doorashooyinka ka dhacay Koofur Galbeed

May 14, 2026
0

Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka dhallinyarada Tala Qaran, Cabduwali Cusmaan Cabdi ayaa bogaadiyay sida habsamida leh ee ay u dhaceen doorashooyinka isku...

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

Wasiirka cusub ee Warfaafinta XFS ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Wasaaradda

May 13, 2026
0

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeeray qeybaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In