Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha SoDMA oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan Hay’adda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha SoDMA oo tababar u soo xiray howlwadeenno ka tirsan Hay’adda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta xarunta Qaran ee howlgallada Gurmadka deg-degga ah ee NEOC waxa uu tababar muddo 5-cisho socday ugu soo xiray 39 shaqaale oo ka kala socday Waaxyaha SoDMA iyo Hay’adda Qatar charity.

Tabarkaan waxaa hay’adda SoDMA ka gacansiinayay hay’adda Qatar Charity, waxaana inta uu socday lagu bartay u diyaar garowga sida loola tacaalo arrimaha la xariira Musiiboyinka, si gaar ah aqoonta aas-aasiga u ah fahamka u diyaar garowga iyo ka jawaabista degdegga ah iyo hanaanka caalamiga ah ee yareeynta qataraha Musiiboyinka.

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Siminarkan ayaa ah mid lagu xoojinayo awoodda, SoDMA ee ah in ay si wax ku ool ah uga jawaabto caqabadaha kala duwa ee soo food saara shacabka Soomaaliyeed iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, waxaana xiritaankiisa guddoomiyaha ku wehliyay guddoomiyaha Hay’adda Qatar Charity iyo masuuliyiin kale.

Mid ka mid ah ardaydii siminaarka loo soo xiray, macalimiintii bixinayay iyo lataliye sare hay’adda Dr Cabdiraxmaan Waxiid ayaa ka mahadceliyey qabashada siminaarkan.

Guddoomiyaha Hay’adda qatar Charity Cabdifitaax Aadan ayaa tilmaamay inay joogteynayaan tababarada nuucaani oo kale ah.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA mudane Maxamud Macallin Cabdulle oo tababarka soo xiray ayaa kula dardaarmay shaqaalaha tababarka ka faa’iidaystay in aqoonta la baray ay bulshada ugu adeegaan.

Previous Post

Soomaaliya oo Martigelisay Madaxda Guddiga Luqadda Sawaaxiliga ee EAC

Next Post

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Next Post
Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In