Monday, September 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo dib u soo celisay in ka badan 140 muwaadiniin ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 18, 2024
in Wararka
0
Dowladda oo dib u soo celisay in ka badan 140 muwaadiniin ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, ayaa soo dhaweysay 147 tahriibayaal Soomaali ah oo dib uga soo laabtay dalka Liibiya, iyadoo la raacayo hindise loogu magac daray dib u celinta bani’aadantinimada ee Voluntary Humanitarian Return (VHR).

Diyaaradda ayaa markii hore ku degtay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kaga soo degeen 31 tahriibayaal ah, ka hor inta aysan u soo gudbin Muqdisho oo ay keentay 116 tahriibayaal ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

September 8, 2025

Dadka soo laabtay ayaa waxaa si heer sare ah usoo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika,  Danjire Yoonis Xaashi oo wakiil ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ay wehliyaan Safiirka Soomaaliya ee Liibiya Cabdi Aadan, Ergeyga Gaarka ah ee Socdaalka iyo Qaxootiga ee Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Maryam Yaasiin, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo ku xigeenka madaxa IOM ee Soomaaliya Prestage Murima.

Danjire Yoonis Xaashi oo ku hadlayay magaca Wasiirka ayaa yiri: “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka heleysa Midowga Yurub iyo IOM waxay xaqiijineysaa in muwaadiniinteenu ay si sharaf leh dalkooda ugu soo laabtaan iyo taageerada loo baahan yahay si dib loogu dhiso noloshooda”.

Duulimaadkan ayaa noqonaya midkii saddexaad ee VHR ee muddo laba bilood gudahood ah, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee muhaajiriinta Soomaalida ah ee lagu celiyay 844 ee mashruuca MPRR-SSA, oo ay maalgelisay Midowga Yurub, ayna maamusho IOM.

Soogalootiga soo laabanaya waxay helayaan taageero degdeg ah, oo ay ku jiraan deeqo lacageed, gargaar caafimaad iyo gaadiid, oo ay weheliso barnaamijyo Shaqa abuur ah si ay noloshooda u maareeyaan.

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an ilaalinta sharafta iyo wanaagga dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadda.

 

 

Previous Post

Soomaaliya iyo Thailand oo xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal

Next Post

Soomaaliya oo martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania

Next Post
Soomaaliya oo martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania

Soomaaliya oo martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay...

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

September 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabishay...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Algeria

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Algeria

September 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay...

Dhamaystirka Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka oo laga wada hadlay

Dhamaystirka Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka oo laga wada hadlay

September 8, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka, Mudane Xildhibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In