Monday, March 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa kulan looga hadlay ka hortagga colaadaha sokeeye, muhiimadda ay leedahay wacyi-galinta wax-garadka iyo u diyaar-garowga yareynta khatarta ka dhalan karta abaarta La Nina la qaatay culimada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa culimada uga warbixiyay saameynta billowga ah ee La-nina, taas oo durba saameysay nolosha iyo degaanka 13 gobol oo ka mid ah 18-ka gobol ee dalka, si gaar ah gobollada Gedo, Hiiraan, Baay, Bakool, Mudug, Togdheer, Galgaduud, Sool, Shabeellaha hoose, Shabeellaha dhexe iyo Jubbada hoose.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026

Guddoomiyaha ayaa xusay in roobabkii Dayrta oo baaqday ay sababeen in ku dhawaad lix malyan oo qof oo danyar ah ay haatan u baahan yihiin gargaar bani’aadannimo oo deg-deg ah, halka uu cilimada ka codsaday in ay karaankooda oo dhan isku geeyaan sidii looga hortagi lahaa in abaartaas xaddigaas leh aysan dadkeenna ugu darsamin coloodo sokeeye.

Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo kalmado kooban kulanka ka jeediyay ayaa hay’adda SoDMA ku boorriyay dadaallada gargaarka iyo shaqada guud ee ay dalka ka heyso, halka ay wadajir u ballan-qaadeen in ay sii adkeyn doonaan wacyi-galinta bulshada ee la xariirta ka hortagga colaadaha sokeeye iyo muhiimadda ay leedahay xoojinta nabadda.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ku wareejiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug

Next Post

Machadka Diblomaasiyadda oo qaatay dufcaddii ugu horreysay ee baranaysa Dibloomada Sare ee Diblomaasiyadda

Next Post
Machadka Diblomaasiyadda oo qaatay dufcaddii ugu horreysay ee baranaysa Dibloomada Sare ee Diblomaasiyadda

Machadka Diblomaasiyadda oo qaatay dufcaddii ugu horreysay ee baranaysa Dibloomada Sare ee Diblomaasiyadda

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 16, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo caawa u gudbay wareegga kama dambeysta ah ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo biyo dhaamin ka bilowday Baydhabo

March 15, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee, oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo waxa ay ka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee QM

March 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta SoDMA ku qaabilay Isku-duwaha Arrimaha Beni’aadamnimada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In