Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dhallinyarada oo si rasmi ah u daahfuray dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhallinyarada oo si rasmi ah  u daahfuray dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug Cabdi Wahaab Sheekh Abuukar oo ay wehliyeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Galmudug iyo masuuliyiin ka socatay Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliyeed oo uu hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta Cabdirashiid Cabdulle Joorje ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Dhismaha Garoonka kubadda cagta eeCabdullaahi Ciise oo maanta Dhismihiisu si rasmi ah u bilowday

Dhagax dhigga dhismaha garoonka ayaa sidoo kale ay goob joog ka ahaa howlwadeenada qeybta joomitariga dowladda hoose ee dagmada Galkacyo oo iyagu si joogta ah ula socon doona hanaan socodka dhismaha Garoonka

Related posts

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

July 23, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026

Duqa Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada Dhagax dhigga garoonka ayaa sheegay in uusan aheyn dhagax dhig kaliya ee uu yahay daahfurka dhismaha garoonka oo muddo badan laga warsugayay in la dhiso, isagoo uga mahadceliyay dhamaan intii horay uga soo qeyb qaadatay iyo inta maanta sida rasmiga ah uga qeyb qaadanaysa bilaawga dhismihiisa oo ay ugu horeeyaan Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedka Galmudug, Dowladaha Norway iyo Switzerland.

Dhinaca Kale Duqa Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo uu sheegay in ay ka dagmo ahaan ku dhiiri galiyeen in Garoonka Cabdullaahi Ciise uu noqon doono mid ka diwaangashan xiriirka kubadda cagta Adduunka, maadaama Garoonka loo dhisayo Hanaan casri ah lana jaan qaadi doona Garoomada Caalamigaa

Guddoomiyaha Gobalka Mudug Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdille oo isna ka hadlay Daahfurka dhismaha Garoonka ayaa uga mahad celiyay Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya Iyo Dowladdaha Soomaaliya, Norway iyo Switzerland kaalinta muuqata ee ay ka qaadanayaan Dhismaha Garoonka Cabdullaahi Ciise, isagoo dhinaca kalana kula dardaarmay kambaniga Galobal inuu noqdo mid dhisa garoon tayo leh oo ah sida loo qorsheeyay

Munaasabada Dhagax dhigga oo sidoo kale uu ka hadlay Wasiiru-dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Cumar Maxamed Diiriye ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay doorkooda ka qaadan doonaan, waxaana uu uga mahad celiyay talaabada loo qaaday dhismaha Garoonka Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug Cabdi Wahaab Sheekh Abuukar ayaa ugu danbeyn sheegay in dhismaha Garoonku uu si rasmi ah u bilowday ee uusan noqon doonin mid loogu hungoobo sidii horay u dhici jirtay Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha Galmudugna ay si joogta ah ula socon doonto, isagoo dhanka kalana sheegay in Madaxweynaha Galmudug ay uga mahad celinayaan Guulaha la gaaray oo uu sheegay in uu har iyo habeen u soo jeeday wax kasta oo suurta galiyay dhismaha Garoonka Cabdullaahi Ciise.

Wasiirka Wasaarada Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug Cabdi Wahaab Sheekh Abuukar ayaa dhanka kale si mug iyo miisaan leh ugu Mahad celiyay Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya Iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowladaha Norway iyo Switzerland.

Previous Post

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka qayb galay munaasabad loogu dabaal degayey Aqoonsiga xeer Ciise

Next Post

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo daah-furay shir wadatashi

Next Post
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo daah-furay shir wadatashi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo daah-furay shir wadatashi

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026
0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga...

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

July 23, 2026
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In