Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo daah-furay shir wadatashi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka oo daah-furay shir wadatashi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Yuusuf Samatar, ayaa maanta daah furtay kulan ku saabsan xaqiijinta hindisaha afraad ee Qorshaha Caalamiga ah ee Kala Duwanaanshaha Noolaha (GBF-EAS). Kulankan, waxa uu diiradda saarayaa ansixinta warbixinta mashruuca iyo xoojinta wada shaqeynta hay’adaha muhiimka ah.

Agaasime Yuusuf ayaa ka hadlay himilooyinka Soomaaliya ee ilaalinta iyo horumarinta kala duwanaanshaha noolaha iyo muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka faa’iideysato taageerada caalamiga ah si loo gaaro himilooyinka ilaalinta iyo horumarinta kala duwanaanshaha noolaha. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyey ka qaybgalayaasha inay ka shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa qorshayaasha mashruuca iyo hirgelinta dadaallada muhiimka ah.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Kulanka waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, ururada bulshada, iyo jaamacadaha, kuwaas oo dhammaantood isku waafaqsan muhiimadda mashruuca. Waxaa la filayaa in kulanku uu horseedi doono ansixinta qorshayaal waxtar leh iyo hirgelinta tallaabooyin lagu xoojinayo dadaallada qaran ee ku aaddan ilaalinta deegaanka iyo kala duwanaanshaha noolaha.

Previous Post

Wasiirka Dhallinyarada oo si rasmi ah u daahfuray dhismaha Garoonka Kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise

Next Post

Doorka Haweenka ee Nabadda iyo Dowlad Wanaagga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post
Doorka Haweenka ee Nabadda iyo Dowlad Wanaagga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Doorka Haweenka ee Nabadda iyo Dowlad Wanaagga oo lagu qabtay Gaalkacyo

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In