Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la dardaarmay cutubyo ka tirsan Gorgor oo la dhaariyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la dardaarmay cutubyo ka tirsan Gorgor oo la dhaariyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad lagu dhaarinayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Kummaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in looga fadhiyo sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen xudduudaha dalka ee cir, dhul iyo bad intuba.

Intii ay socotay Munaasabadda dhaarta ayaa ciidanku waxa ay soo bandhigeen dhoollatus iyo gaardis ka tarjumaya tayada iyo xirfadda sare ee lagu carbiyey, kuwaas oo loo diyaariyey door muhiim ah in ay ka qaataan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta.

Related posts

Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Sablaale

Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Sablaale

July 14, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in qalabaynta ciidanka Gorgor ay tahay astaan muujinaysa horumarka iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, isaga oo caddeeyey in laga sugayo sidii ay amniga dalka ula wareegi lahaayeen marka ay baxaan Ciidanka Midowga Afrika.

“Komaandooska Gorgor, waa ciidan lagu han-weyn yahay oo laga doonayo in ay laf-dhabar u noqdaan geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga, aniga oo og in aad tihiin ciidan sharaf badan, dhaqan wanaagsan oo geesiyaal ah, runtii shacabka Soomaaliyeed waxa uu idinka doonayaa in aad ka dhabaysaan dhaarta aad marteen, oo aad dadkiinna iyo dalkiinna si sharaf ugu adeegtaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyay ciidamada dhammeystay tababarka ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga tababarka ay siiyeen ciidanka ee muujinaya xirfadda wanaagsan ee la baray, waxa uuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta tayada, tababarka iyo qalabaynta Ciidanka qalabka sida, si ay awoodda ugu yeeshaan xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo tacsi iyo duco ugu tegay Qoyska Ugaas Cabdi-daahir

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirka Thailand ee Soomaaliya

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirka Thailand ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Safiirka Thailand ee Soomaaliya

Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Sablaale

Ciidanka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Sablaale

July 14, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano hoostaga magaalada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkaan ayaa ka...

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

Wasiirka Qoyska XFS oo saxiixday buugga tacsida ee Amiirkii hore ee Qatar

July 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta ku saxiixday buugga...

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

Safiirka Soomaaliya ee Sweden oo booqasho tacsiyeed ku tegay Safaaradda Qatar ee Stockholm

July 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sweden Cabdikariin Maxamed ayaa booqasho tacsiyeed ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee Stockholm,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kulan la qaadatay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Pakistan

July 14, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In