Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Buur-hakaba oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Buur-hakaba oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 5-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Buur-hakaba iyo Caabudwaaq oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo  Galgaduud, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Buur-hakaba iyo Caabudwaaq ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

July 13, 2026
Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026

Buur-hakaba

Tartameyaasha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Lix su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Caabudwaaq, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buur-hakaba ay heleen waxay noqotay Afar iyo Toban (14) dhibcood.

Caabudwaaq

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Caabudwaaq waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 5-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 6-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka C/casiis iyo Buuhoodle oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir yo Togdheer.

Sawir qaade:- Khadar Cali Nuur

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo guddoomiyey kulan looga hadlayay arrimaha beni’aadantinimada

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka jaamacadda Carabta 

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka jaamacadda Carabta 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka jaamacadda Carabta 

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo kulan la yeelatay Guddoomiyaha Golaha Haweenka Pakistan

July 13, 2026
0

Islamabad, Pakistan – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa magaalada...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In