Friday, May 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Boondheere oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 12, 2025
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Boondheere oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Shan iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 14–aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Aadan-yabaal iyo Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Benaadir. waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Aadan-yabaal iyo Boondheere ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 8, 2025

Wasiiru Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Siri Lanka

May 8, 2025

Aadan-yabaal

Tartameyaasha Degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo  ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Aadan-yabaal ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Boondheere

Tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal  oo soo hareermartay dhgooda Aadan-yabaal, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boondheere waxay noqotay Labo iiyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 14-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga Labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Benaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 15-aad ee tartanka, waxaa jiri doono labo tartan, qeybta koowaad waxaa ku tartami doona Degmooyinka Warsheekh iyo Xamar–Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Benaadir, halka qeybta labaad ay isku arki doonaan degmooyinka Bardaale iyo Kaaraan oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Benaadir.

Sawir qaade= Khadar Cali Nuur

Previous Post

Baarlamaanka JFS oo ansixiyey sharciyadda hay’adaha maaliyadda

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse: “waxaa guuleystay qofkii dila ama ay dilaan khawaarijta”.

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse: “waxaa guuleystay qofkii dila ama ay dilaan khawaarijta”.

Ra'iisul Wasaare Xamse: "waxaa guuleystay qofkii dila ama ay dilaan khawaarijta".

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 8, 2025
0

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada...

Wasiiru Dowlaha Beeraha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Siri Lanka

May 8, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa ka qeybgalay shirweynaha 4aad ee heer Wasiireed ah oo ay qabatay Hay’adda...

Ciidamada ammaanka iyo Maamulka Degmada Matabaan oo ku baxay daminta colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmadaas

Ciidamada ammaanka iyo Maamulka Degmada Matabaan oo ku baxay daminta colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmadaas

May 8, 2025
0

Ciidamada ammaanka ee ka tirsan Nabad Sugidda (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo Maamulka Degmada Matabaan, ayaa si degdeg ah...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay wafdi ay hoggaamineyso madaxa Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Afrika iyo America

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay wafdi ay hoggaamineyso madaxa Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Afrika iyo America

May 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Ahmed Moallim Fiqi ayaa la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agaasimaha Guud...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In