Friday, October 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka dalka looga ciribtirayo khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 months ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka dalka looga ciribtirayo khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro cadowga Khawaarijta ee nabadda iyo horumarka diiddan, jab xoogganna ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka, xilli uu ka hadlayey munaasabad Af-fur wadareed ah oo ay iskugu yimaadeen ardaydii Soomaaliyeed ee wax ku bartay dalka Malaysia.

“Qorshuhu ma ahan oo kaliya in Khawaarijta la iska celiyo ee waa in dalka laga tirtiro, maxaa yeelay wax horumar ah dalkeennu ma sameyn karo inta ay taako ka mid ah joogaan, waana lagama maarmaan in aan dhammaanteen u midowno dagaalkooda”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir.

October 23, 2025
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

October 23, 2025

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu intaas raaciyey, “Caawa waa 27 Ramadan waliba sida culimada badankoodu sheegtay aad baa loogu badiyaa in ay tahay habeenka Leylatul Qadriga, waxaan ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed dhammaantood in la is cafiyo, qof qof iyo koox koox la isu cafiyo, dalkana loo duceeyo”.

Mudane Xamsa oo u mahadceliyey aqoonyahanka af-furka soo agaasimay, ayaa dhankooda ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska socda, si loo xaqiijiyo hiigsiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo horumar gaarta.

 

Previous Post

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya oo la qeyb galay Kalfadhiga Golaha Sare ee UN-Habitat ee Nairobi

Next Post

Tartamayaasha Boondheere oo u gudbay caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Boondheere oo u gudbay caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Tartamayaasha Boondheere oo u gudbay caawa kulanka kama dambeysta ah (Final) ee tartanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir.

October 23, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka dhageystay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo tacsiyeeyay geeriddii ku timid Cabdullaahi Daahir Barre.

October 23, 2025
0

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, iyo dhammaan masuuliyiinta iyo howl-wadeennada Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka, waxay tacsi...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ka qaybgalay shir looga hadlay horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo ka qaybgalay shir looga hadlay horumarinta Dekedaha Bariga Dhexe iyo Afrika.

October 23, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko), ayaa ka qayb galay Shirkii 2-aad ee Madasha Horumarinta Dekedaha...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay Shirweynaha 2-aad ee u-adkeysiga Aafooyinka 

October 22, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha 2-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In