Sunday, July 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjire Jabriil oo booqday magaalada Namanga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 6, 2025
in Wararka
0
Danjire Jabriil oo booqday magaalada Namanga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qeyb ka ahaayeeen diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa booqasho dhiirigelin iyo u kuurgelidda xaaladda Nololeed ugu tegay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Namanga ee xadka Kenya uu la wadaago Tanzania.

Safiirka iyo xubnaha la socday ayaa kormeeray mashaariicyo horumarineed oo ay gamacsatadu halkaasi ka hirgeliyeen oo ay ugu horeeyaan beero ay ku tacbadeen dalagyada nuucyadiisa kala duwan, goobaha ugu waa weyn ee lagu dhaqdo digaaga, halkaasi oo uu warbixin kaga dhageystay Faarax Isaaq oo sheegay in ka badan 35 kun oo digaag ah inay halkaasi ku xanaaneeyaan iyo xarumo Waxbarasho oo ay Soomaalida halkaasi ka hirgeliyeen.

Related posts

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

July 27, 2025
Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

July 27, 2025

Danjire Jabriil ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ay door muhiim ah ka qaataan isdhexgalka bulshada, horumarinta ganacsiga iyo abuurista fursado maalgashi.

Danjiraha oo booqday dusgiga sare ee gabdhaha ayaa xusay in Arday badan oo Soomaaliyeed ay ka faa’iidaysteen Iskuulaadka ku yaala dalka Kenya, isla markaana uu socdo qorshe ay waddo dowladda Soomaaliya oo ah in ardayda loo fududeeyo Jaamacadaha dalka.

“Fursado ganacsi iyo mid maalgashi ayaa halkan ka jirta, Safaaraddu waxa ay diyaar ula tahay in bulshada Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan fursadaha Maalgashi ee magaalada ka jirta”.ayuu yiri Danjire Jabriil.

Waa markii ugu horeysay taariikhda uu Safiir Soomaaliyeed booqasho iyo dhiirigelin ugu tego bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Namanga ee dalka Kenya.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulamo muhiim ah la qaatay Hay’ado kala duwa

Next Post

Howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Next Post
Howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Howlgallo qorsheysan oo ka socda degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

July 27, 2025
0

Rakaabkii saarnaa diyaaradda American Airlines ayaa si deg-deg ah looga daadgureeyay qaybta badbaadada ee diyaaradda, kadib markii ay soo wajahday...

Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

July 27, 2025
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa xaq-udirirka deegaanka ayaa hawlgal ay u fuliyeen si wadajir ah, waxa ay ku fashiliyeen dhagar...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada haweenka ee SSC-Khaatumo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada haweenka ee SSC-Khaatumo

July 27, 2025
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee SSC-Khaatumo ayaa xarunta dhexe ee Guddiga ee ku taalla magaalada Laascaanood...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan wadatashi la qaatay Odoyaasha dhaqanka

July 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa kulan Wadatashi ah la qaatay wax-garadka mid ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In