Saturday, July 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho

Idman Yahye by Idman Yahye
1 year ago
in Wararka
0
Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababar loogu soo xiray Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka XDS General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Ciro), Taliyaha Dugsiga tababarka General Dhagabadan G/dhexe Muxudiin Asbaro iyo Saraakiil kale.

Tababarkan oo lagu qabtay Dugsiga Tababarka Dhaga-badan ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka faa’iideystay ku dhawaad 70 askari, kuwaas oo loo diyaariyay xirfado kala duwan oo la xiriira howlgallada ciidamada, difaaca qaranka, iyo ilaalinta nabadgelyada.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026

Saraakiisha sare ee tababarka soo xiray ayaa sheegay in askarta la tababaray ay yihiin kuwo si wanaagsan u diyaarsan, ayna ka qeyb qaadan doonaan howlaha kala duwan ee lagu xoojinayo amniga dalka, Waxa ay sidoo kale ammaan u jeediyeen dadaalka Midowga Yurub ee dhinaca taageerada iyo horumarinta Ciidanka Soomaaliyeed.

General Cabdullaahi Ciro ayaa bogaadiyay askarta tababarka dhamaysatay, wuxuuna ugu baaqay in ay aqoonta ay barteen ku dabaqaan shaqadooda si ay u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Previous Post

Hirgelinta Siyaasadda Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka oo laga hadlay

Next Post

Degmada Hodan oo maalintii labaad ay ka socoto diiwaan-galinta Codbixiyaasha

Next Post
Degmada Hodan oo maalintii labaad ay ka socoto diiwaan-galinta Codbixiyaasha

Degmada Hodan oo maalintii labaad ay ka socoto diiwaan-galinta Codbixiyaasha

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray Dekadda Muqdisho

July 25, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay Dekedda Muqdisho, halkaas oo uu...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Soo Bandhigtay Waxqabadka Afarta Sano ee Diblomaasiyadda Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

July 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, oo la kulmay Wakiilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya

Defence Minister Fiqi Meets AUSSOM Chief

July 25, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today held a meeting with the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In