Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 5, 2025
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ganacsi iyo warshadeed ee labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta iskaashiga dhaqaale, kobcinta maalgelinta, iyo taageeridda ganacsatada gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado horumarineed oo dheeraad ah. Wasiir Geesood ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay mudnaan gaar ah siineyso koboca dhaqaalaha dalka, wuxuuna ammaanay taageerada muuqata ee Dowladda Turkiga ku bixiso dib-u-dhiska Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka hirgeliyay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka hirgeliyay Balcad

August 26, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025

Safiir Aktaş ayaa dhankiisa adkeeyay sida dowladda iyo shacabka Turkigu uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo horumarinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal.

Kulanku wuxuu kusoo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad ku saabsan sii wadidda mashaariicda wadajirka ah, iyadoo la filayo kulammo dheeri ah oo qorsheysan.

 

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka oo deeq dawo ah ku wareejiyey Ciidamada Qalabka Sida

Next Post

Wafdi ka socday Boliiska Soomaaliya oo Ka qeyb galay Shirka Booliiska dalalka ku midoobay urur-goboleedka EAPCCO

Next Post
Wafdi ka socday Boliiska Soomaaliya oo Ka qeyb galay Shirka Booliiska dalalka ku midoobay urur-goboleedka EAPCCO

Wafdi ka socday Boliiska Soomaaliya oo Ka qeyb galay Shirka Booliiska dalalka ku midoobay urur-goboleedka EAPCCO

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka hirgeliyay Balcad

Guddoomiyaha SoDMA oo mashruuc muhiim ah ka hirgeliyay Balcad

August 26, 2025
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdille, ayaa maanta safar dhulka ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la yeeshay Hoggaanka Gobolka Ningxia ee dalka Shiinaha

August 26, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Gobolka Ningxia, ahna Xoghayaha...

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

Waddooyinka Muqdisho oo si casri ah loo dhisayo

August 26, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa maanta kormeeray waddada Buundooyinka oo isku xirta...

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Pakistaan oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

August 26, 2025
0

Intii uu socday Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In