RADIO MUQDISHO:
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray xalay goobo gurmad ay qeyb ka yihiin Ciidanka Boliiska loogu sameeyey Shacabka Caasimadda oo saamayn uu ku yeeshay Roobka ka da’aya magaalada Muqdisho.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi, Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobalka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh iyo Saraakiil oo ka tirsan Ciidanka Boliiska ayuu Taliyuhu kula kulmay goobihii gurmadka loogu sameynayey dadweynaha ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobka da’aya.