Tuesday, August 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania

Idman Yahye by Idman Yahye
1 year ago
in Wararka
0
Shirka guddiga qeybta Furdooyinka ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Tanzania
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026

RADIO MUQDISHO: Magaalada Arusha ee dalka Tanzania waxaa lagu soo gabagabeeyay shirka arrimaha Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika kaas oo ay isugu yimaadaan agaasimayaasha iyo khubarrada Kastamyada waddamada xubnaha ka ah EAC si ay uga wada hadlaan arrimaha la xiriira isdhexgalka gobolka, fududeynta ganacsiga, casriyeynta Kastamyada, mideynta habraacyada iyo hirgelinta heshiiska Kastamyada EAC.

Shirkan ayaa agaasimayaasha Kastamyada Afrika diiradda ku saareen horumarinta iskaashiga Furdooyinka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, fududeynta ganacsiga iyo hagaajinta habka maareynta gaadiidka xamuulka ah ee isku mara gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxaa shirka uga qayb galay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Furdooyinka ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Abuukar Sheekh Axmed Mursal oo ay wehliyaan khubarro ka tirsan Furdooyinka Soomaaliya. Wafdiga Soomaaliya ayaa madasha ka jeediyay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray dib-u-habaynta iyo casriyeynta Furdooyinka Dalka, iyagoo soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojin karo iskaashiga gobolka.

Previous Post

Safiir Soomaaliya ee dalka Masar oo Qaahira soo dhaweyn ugu sameeyay duqa Muqdisho

Next Post

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

Next Post
Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

Shir u dhaxeeyay Danjireyaasha Wadamada Afrika oo lagu soo gabagabeeya Magaalada Mombasa

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka furmay Muqdisho

August 25, 2026
0

Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay, iyadoo ay ka qeybgalayaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo lagu soo dhaweeyay Wiilka cusub ee dalka Mayerkanka ee Soomaaliya

August 24, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku soo dhaweeyay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo dhiirigeliyay ardayda kaalimaha hore ka galayImtixaanka

August 24, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan dhiiragelin iyo bogaadin ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In