RADIO MUQDISHO(DAARUSALAAM): Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Daaru-Salaam ee dalka Tanzaaniya, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa inta uu ku suganyahay wadanka Tanzaaniya caasimadiisa Daarusalaam uga qeyb geli doona shirweynaha 19-aad ee Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika.