Saturday, June 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Idman Yahye by Idman Yahye
June 28, 2025
in Wararka
0
Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Warbixinta Toddobaadlaha ee

Dowladda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Sabti, 28-ka Juun, 2025

Related posts

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

June 28, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

June 28, 2025

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale ee DFS oo ka qeybgaley munaasabadda xuska 65-guuradii ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya 26-kii June , 1960.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad guurada 65-aad ee miro-dhalka halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay halgameyaashii Soomaaliyeed dhiiggooda u huray Xorriyadda ayaa Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur ee magaalada Muqdisho.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan wadatashi ah la qaatey qeybaha kala duwan ee siyaasadda oo ay ku jiraan Madaxweyneyaal hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale oo uu horkacayey Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sheekh Axmed.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060 ayaa sheegay in la joogo xilligii shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dooran lahaayeen hoggaankooda, taas oo xoojinaysa hiigsiga nabadda, midnimada iyo horumarka.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hambalyo ku aaddan munaasabadda xuska sanadguuradii 65-aad ee kasoo wareegtay xornimada Gobollada Waqooyi ayaa sheegay in la jooga xilligii midnimada iyo wadajirka la xoojin lahaa.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah-furayey Hiigsiga Qarni-jirka 2060 oo ah aragtida qaran ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in dalka dib ugu laabto doorasho dadban, isla markaana awoodda loo celinayo shacabka Soomaaliyeed.

10- Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka ururrada siyaasadeed ee is diiwaangaliyey, kuwaas oo door muuqda ku leh hannaanka dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka.

11- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay warbixin sanadeedka 2024-ka ee horumarka maaliyadeed ee dalka.

12- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah ururada siyaasadeed ee ka jira dalka.

13- Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa shaaciyay in uu si’ rasmi ah u xirmayay kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.

14- Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti ayaa u dabaaldegay sannadguuradii 48-aad markii ay ka xoroobeen gumeysigii Faransiiska.

15- Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdiqaadir Aadan Maxamuud ayaa sheegay in bisha July ay ku dhawaaqi doonaan natiijada rasmiga ah ee goobahii batroolka la sahmiyay.

16- Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay munaasabad lagu xusaayay 65 sanno guurada kasoo wareegtay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, oo booqasho ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga.

18- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa si’ wadajir ah u fuliyey hawlgal lagu diley 13 ka tirsan maliishiyada Khawaarijta oo ka dhacay Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Dowlad Goboleedka HirShabelle.

19- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige iyo ayaa kulan sagootin ah u sameeyay Mrs .Kristina Svensson oo aheyd shanti sano ee la soo dhaafay Maamulaha Bangiga Adduunka ee xafiiska Soomaaliya.

20- Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa bulshada Soomaaliyeed ku wargelisay in ay adeegsadaan kaarka aqoonsiga qaranka si ay u helaan adeegyada Wasaaradda.

21- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay weerarkii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku qaaday Dowladda Qadar.

22- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa gaaray dalka Aljeeriyaa uu uga qeybgalay shirweynaha Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wadamada Carabta.

23- Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Maxamed Cabdulkadir Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay garsoore heer caalami ah Cumar Cabdulqaadir Cartan, oo ka mid ah garsoorayaasha ugu firfircoon qaaradda Afrika.

24- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa la kulmay Madaxa Hawlgalka Xafiiska Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya ,Mads Oyen.

25- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa soo xiray Tartanka Ciyaarta Kubbada Koleyga ee dogmooyinka Gobolka Banaadir.

26- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-Heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa magaalada Muqdisho ka furay Kulanka Qaran ee isu-duwidda Dowladaha Hoose.

27- Hawlgallo ka dhacay degmada Aadan Yabaal ee Shabeelleha Dhexe ee HirShabeelle ayaa lagu burburiyey labo xarumood oo Khawaarijtu u adeegsan jireen farsamada gaadiidka dagaalka iyo keydka hubka.

28- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan doceed la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuwait, Mudane Cabdullahi Cali Elihya.

29- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 51-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ka dhacay magaalada Istanbul ee Turkiga.

30- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka, Dr.Cali Xaaji Aadam ayaa kulan sagootin la yeeshay ,Marwo Wafaa Saeed, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya oo dhamaysatay muddo xileedkeedii dalka ay ku joogtay.

31- Ciidamada Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidamada Uganda ee UPDF ayaa si’ wadajir ula wareegay degaanada halbawlaha ah ee Sabiib iyo Caanoole.

 

32- Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa ka qeyb-galay shir ay isuga yimaadeen wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta oo looga arrinsaday dagaalka u dhaxeeye Iraan iyo Israa’iil.

33- Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ayaa sii wada guulaha ay ka gaareen Khawaarijta Al-Shabaab, iyagoo ka saaray Al-Shabaab deegaanka Masaajid Cali Gadud ee dowlad-goboleedka HirShabeelle.

 

==========DHAMMAAAD=============

Previous Post

Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Shabeellaha dhexe

Next Post

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

Next Post
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeeray Taliska Booliiska

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo ay wehliyaan Xubnaha Guddiga Qabanqaabada...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha 3-aad ee anshaxa garaadka macmalka ah

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ah...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 28-ka Juun, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda...

Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha hore ee gobolka Shabeellaha dhexe

Taliyaha Ciidan dhulka oo gaaray furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Shabeellaha dhexe

June 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, (Gen Khaalid) ayaa kormeer dhiirrigelin iyo dardaaran isugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In