Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan arrimaha kala ah:

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

July 22, 2026
Danjire Cabdullaahi oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenino

Danjire Cabdullaahi oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenino

July 22, 2026
  1. Is-dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xiriirta manhajka iyo habraacyada fulinta hantidhowris madaxbannaan, iyo korjoogteynta hannaanka maareynta maaliyadda guud ee qaranka, iyadoo hay’ad walba ay raacayso sharciyada iyo xeerarka u degsan dalkeeda.

  1. Wadaagga waayo-aragnimada la xiriirta baarisyada waxqabadka, u hoggaansanaanta sharciga, nidaamyada macluumaadka tiknoolajiyadda, heshiisyada dheef-wadaagga iyo falanqeynta xogaha.

  1. Wada-fulinta cilmi-baarisyo ku saabsan horumarinta xirfadaha hantidhowrka iyo tayeynta hantidhowrayaasha.
  2. Suuragelinta waxbarashada heerarka Master’s iyo PhD ee la xiriira sharciyada, dembiyada maaliyadeed, caddaaladda dembiyada, IT-ga, xisaabaadka, dhaqaalaha, tirakoobka, baarista waxsoosaarka khayraadka iyo warbixinta miisaaniyadda.

  1. Taageeridda horumarinta unugyada baarista waxsoosaarka khayraadka, dabagalka warbixinnada iyo talo-soojeedinta hantidhowrka, isku xirka hay’adaha hantidhowrista iyo xoojinta fahamka waxtarka mabda’a hantidhowrista.

Hantidhowrayaasha Guud ee Soomaaliya iyo Turkiga, Mudane Axmed Guutaale iyo dhiggiisa Mudane Metin Yener, ayaa madasha saxiixa heshiiska ka muujiyay sida ay uga go’an tahay wadashaqeyn waxtar leh iyo dhaqangelinta heshiiskan.

Previous Post

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo wada yeeshay kulan lagu xoojinayay iskaashiga dhijitaalkaa ah.

Next Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Next Post
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Koonfurta Kuuriya

July 22, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Danjire Cabdullaahi oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenino

Danjire Cabdullaahi oo laga guddoomay warqadaha aqoonsiga Danjirenino

July 22, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Dr Cabdullaahi Maxamed Odowaa, sidoo kalena ah Safiirka aan daganeyn ee Dalalka Sri...

Howlgallo Qorsheysan oo Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen Gobalka Baay

Howlgallo Qorsheysan oo Ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen Gobalka Baay

July 22, 2026
0

Ururada 161-aad, 164-aad iyo 165-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab XDS ayaa hawlgal burburin ah ka fuliyay deegaannada Buur Aylo,...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya ee Soomaaliya.

July 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan kula yeeshay Safiirka Koonfurta Kuuriya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In