Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
10 months ago
in Wararka
0
Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u gilgilay warbaahinta caalamka, kadib markii diyaaraddan oo duulimaadkeedu aha 171 una socotay garoonka Gatwick ee London ay si lama filaan ah u burburtay wax ka yar hal daqiiqo kadib markay kacday.

Diyaaraddan oo ahayd nooca Boeing 787 Dreamliner, ayaa sidday 230 rakaab ah, 10 shaqaale duulimaad iyo 2 duuliye, iyadoo inta badan dadkii saarnaa ay ku dhinteen shilkaas. Warbixin hordhac ah oo uu Sabtidii soo saaray Xafiiska Baadhista Shilalka Diyaaradaha ee Hindiya (AAIB) ayaa sheegtay in qalabka kontoroolka shidaalka ee diyaaradda (Fuel Control Switches)ay si lama filaan ah uga wareegeen booskii loogu talagalay ee  (Run) una wareegay (Cutoff), taasoo keentay in labada matoor ee diyaaradda ay isla markiiba joojiyaan shaqada,xilli diyaaradduna ay hawada ku jirtay.

Related posts

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026

Labada matoor ayaa istaagay isku mar, taasoo sababtay in diyaaraddu si deg deg ah hoos ugu dhacdo.

Warbixintu ma caddayn sababta qalabkaasi uu uga dhaqaaqay booskoodii, mana eedayn cid gaar ah. Hase yeeshee, codad laga helay duubista xagga gudaha kabadhka duuliyeyaasha(Cockpit Voice Recordings) ayaa muujiyay in mid ka mid ah duuliyeyaasha uu weydiiyay kan kale: “Maxaad u damisay?” isagoo ugu jawaabay duuliyihii kalena, “Anigu ma damin!.”

Wali waxaa socda baadhitaannada iyo xogaha laga uruurinaya burburka diyaaraddan.

Previous Post

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Next Post

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Next Post
Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Uganda

May 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Yugaandha,...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la dhaariyay

May 11, 2026
0

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS ayaa ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gabagabeysay Wejiga 1aad ee tababarka amniga Saaybarka Shaqaalaha DFS 

May 11, 2026
0

Nayroobi, Kenya – 11 Maajo 2026---Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay wejiga koowaad ee barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In