Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Xogo hordhac ah oo laga helay sababahii dhaliyay shilkii diyaaradeed ee Air India 171
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Diyaaraddii Air India ee ku burburtay 12-kii June 2025 magaalada Ahmedabad ee dalka Hindiya, ayaa noqday mid si weyn u gilgilay warbaahinta caalamka, kadib markii diyaaraddan oo duulimaadkeedu aha 171 una socotay garoonka Gatwick ee London ay si lama filaan ah u burburtay wax ka yar hal daqiiqo kadib markay kacday.

Diyaaraddan oo ahayd nooca Boeing 787 Dreamliner, ayaa sidday 230 rakaab ah, 10 shaqaale duulimaad iyo 2 duuliye, iyadoo inta badan dadkii saarnaa ay ku dhinteen shilkaas. Warbixin hordhac ah oo uu Sabtidii soo saaray Xafiiska Baadhista Shilalka Diyaaradaha ee Hindiya (AAIB) ayaa sheegtay in qalabka kontoroolka shidaalka ee diyaaradda (Fuel Control Switches)ay si lama filaan ah uga wareegeen booskii loogu talagalay ee  (Run) una wareegay (Cutoff), taasoo keentay in labada matoor ee diyaaradda ay isla markiiba joojiyaan shaqada,xilli diyaaradduna ay hawada ku jirtay.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Labada matoor ayaa istaagay isku mar, taasoo sababtay in diyaaraddu si deg deg ah hoos ugu dhacdo.

Warbixintu ma caddayn sababta qalabkaasi uu uga dhaqaaqay booskoodii, mana eedayn cid gaar ah. Hase yeeshee, codad laga helay duubista xagga gudaha kabadhka duuliyeyaasha(Cockpit Voice Recordings) ayaa muujiyay in mid ka mid ah duuliyeyaasha uu weydiiyay kan kale: “Maxaad u damisay?” isagoo ugu jawaabay duuliyihii kalena, “Anigu ma damin!.”

Wali waxaa socda baadhitaannada iyo xogaha laga uruurinaya burburka diyaaraddan.

Previous Post

Soomaaliya oo saxiixday heshiisyo caalami ah

Next Post

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Next Post
Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Ololaha Diiwaangelinta Doorashooyinka Qof iyo cod oo ka bilowday magaalada Jowhar

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In