Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan is-barasho la yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo la guudmaray arrimo ay ka mid yihiin: amniga caasimadda, la-dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, taageerada dowlad-dhiska iyo geeddi-socodka doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Dr. Xasan Muungaab ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan Horumarinta Caasimada iyo Gobolka Banaadir.

Waxa uu kulanka gorfeeyay mashaariicda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka, nabadeynta iyo xoojinta hay’adaha dowladeed. Duqa Muqdisho ayaa waxa uu xusay in barnaamijyadaasi ay door muhiim ah ka qaataan kor-u-qaadista adeegyada bulshada iyo xasilinta caasimadda.

Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay Safiirka heerka guulaha laga gaaray sugidda amniga Muqdisho iyo horumarka laga sameeyay la-dagaallanka kooxaha argagixisada.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in bulshada caasimaddu ay helaan fursad ay si xor ah ugu doortaan madaxda matalaysa, taas oo uu ku tilmaamay mid kamid ah tiirarka dimuqraadiyadda.

Wuxuu sidoo kale cadeeyay muhiimadda ay leedahay taageero dheeri ah oo la bixiyo si loo hirgeliyo himiladaas ay bulshada Soomaaliyeed muddo dheer sugaysay.

Dhankiisa, Danjire Charles King ayaa uga mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho kulanka miradhalka ah ee uu la yeeshay, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Ingiriiska uga go’an tahay sii wadidda taageerida nabad waarta iyo horumar joogto ah oo ka hirgala guud ahaan Soomaaliya.

Previous Post

Somalia Boosts Its Diplomatic Presence in the Region and Beyond

Next Post

Wakiillo ka socda Qaramada Midoobey oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Next Post
Wakiillo ka socda Qaramada Midoobey oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Wakiillo ka socda Qaramada Midoobey oo la kulmay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In