Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 year ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo la kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan is-barasho la yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo la guudmaray arrimo ay ka mid yihiin: amniga caasimadda, la-dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, taageerada dowlad-dhiska iyo geeddi-socodka doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Related posts

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026

Dr. Xasan Muungaab ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso Dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan Horumarinta Caasimada iyo Gobolka Banaadir.

Waxa uu kulanka gorfeeyay mashaariicda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka, nabadeynta iyo xoojinta hay’adaha dowladeed. Duqa Muqdisho ayaa waxa uu xusay in barnaamijyadaasi ay door muhiim ah ka qaataan kor-u-qaadista adeegyada bulshada iyo xasilinta caasimadda.

Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay Safiirka heerka guulaha laga gaaray sugidda amniga Muqdisho iyo horumarka laga sameeyay la-dagaallanka kooxaha argagixisada.

Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in bulshada caasimaddu ay helaan fursad ay si xor ah ugu doortaan madaxda matalaysa, taas oo uu ku tilmaamay mid kamid ah tiirarka dimuqraadiyadda.

Wuxuu sidoo kale cadeeyay muhiimadda ay leedahay taageero dheeri ah oo la bixiyo si loo hirgeliyo himiladaas ay bulshada Soomaaliyeed muddo dheer sugaysay.

Dhankiisa, Danjire Charles King ayaa uga mahadceliyay Duqa Magaalada Muqdisho kulanka miradhalka ah ee uu la yeeshay, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda Ingiriiska uga go’an tahay sii wadidda taageerida nabad waarta iyo horumar joogto ah oo ka hirgala guud ahaan Soomaaliya.

Previous Post

Somalia Boosts Its Diplomatic Presence in the Region and Beyond

Next Post

Wakiillo ka socda Qaramada Midoobey oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Next Post
Wakiillo ka socda Qaramada Midoobey oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Wakiillo ka socda Qaramada Midoobey oo la kulmay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In