Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 months ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa booqasho shaqo ku tagay dalka Jarmalka, halkaas oo ay kulamo muhiim ah kula yeesheen Madaxweynaha Booliiska Federaalka Jarmalka iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday hay’adaha u xilsaaran socdaalka iyo amniga xuduudaha dalkaas.

Wada-hadallada labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray qodobbada soo socda:

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha ka wada shaqeeya socdaalka iyo amniga.

Casriyeynta adeegyada HSJ, sida: dal-ku-galka, deganaanshaha, baasaboorrada iyo xaqiijinta aqoonsiga.

Sugidda amniga xuduudaha iyadoo la adeegsanayo tiknoolojiyad casri ah.

Dardargelinta aqoonsiga baasaboorka Soomaaliga iyo fududeynta socdaalka sharciga ah.

Ka hortagga dambiyada abaabulan iyo tahriibka.

Horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha HSJ.

Horumarinta garoomada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Kulanka miro-dhalka ah ayaa lagu xallin doonaa caqabadaha jira, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed iyo fududeynta safarrada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee caalamka.

Intii uu socday booqashada, Agaasimaha Guud ee HSJ iyo wafdigiisa waxaa loo bandhigay hannaanka ay hay’adaha Jarmalka u maareeyaan socdaalka iyo sugidda amniga xuduudaha. Sidoo kale, waxaa lagu geeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Berlin, halkaas oo ay ku arkeen shaqooyinka maalinlaha ah iyo qalabka casriga ah ee lagu hawlgalo.

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qaybgalay heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya Hormuud Telecom iyo Save the Children

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In