Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda IOM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Marwo Ugochi Daniels, oo booqasho shaqo ku timid Soomaaliya.

Kulankaan muhiimka ah ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa hay’adaha SoDMA iyo IOM, iyada oo labada dhinac ay ka mideysan yihiin ka falcelinta xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka ka taagan, kuwaas oo maraya heer aad u xasaasi ah.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026

Intii uu socday kulanku, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray, Caqabadaha horyaalla howlaha gurmadka bini’aadantinimo, Fursadaha iskaashi ee lagu xoojin karo wax ka qabashada abaaraha, colaadaha iyo saameynta isbeddelka cimilada, iyo sii si degdegga ah ee gargaarka loogu gaarsiin karo dadka nugul ee ay si toos ah u saameeyeen musiibooyinka iyo barakaca.

Marwo Ugochi Daniels, oo hadal ka jeedisay kulanka, ayaa si weyn u bogaadisay dadaallada joogtada ah ee ay wadaan SoDMA, gaar ahaan isku dubaridka gurmadka degdegga ah ee la gaarsiiyo dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka jira gudaha dalka. Waxay ballan qaaday in IOM ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso SoDMA, ayna garab istaagi doonto howlaha hal-abuurka iyo horumarinta xalalka waara ee loogu talagalay barakacayaasha iyo bulshada nugul.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin, ayaa isna dhankiisa u mahadceliyey Marwo Daniels iyo guud ahaan IOM, isagoo xusay doorka muuqda ee ay IOM ka qaadato la tacaalidda xaaladaha bini’aadantinimo iyo dardar-gelinta iskaashiga u dhexeeya labada hay’adood.

“IOM waa saaxiib istiraatiiji ah oo naga caawiyay in aan si wanaagsan ugu jawaabno musiibooyinka isdaba-joogga ah ee dalka ka dhaca. Waxaan rumeysannahay in iskaashigan uu yahay mid muhiim u ah helitaanka xalal waara iyo qorshe deegaan ku saleysan,” ayuu yiri Guddoomiyaha SoDMA.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku aaddan in la dardargeliyo hawlgallada wadajirka ah, lana xoojiyo iskaashiga ku saleysan hal-abuur iyo wax ka qabasho waarta oo gaaraysa dadka Soomaaliyeed ee u baahan taageerada bini’aadantinimo.

Previous Post

Guddoomiyaha Hay’adda Socdaalka oo gaaray Jarmalka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay iskaashi dhexmaraya Save the Children iyo Shirkadda Hormuud

Next Post
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay iskaashi dhexmaraya Save the Children iyo Shirkadda Hormuud

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Labaad oo ka qeybgalay iskaashi dhexmaraya Save the Children iyo Shirkadda Hormuud

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

MADAXWEYNAHA JFS OO QASRIGA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAFDI SARE OO KA SOCDA CIIDANKA CIRKA DOWLADDA PAKISTAN

September 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

Wasiirka Gaashaandhigga oo qaabilay Danjiraha Masar iyo Wafdi Saraakiil Ciidan

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil ciidan ah oo...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka UNDP ee Soomaaliya

September 20, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In