Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Magaalada Bariire oo lagu jebiyay Khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Magaalada Bariire oo lagu jebiyay Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, oo ay garab ka helayaan saaxiibada caalamka, ayaa jab culus gaarsiiyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, gobolka Shabeellaha Hoose, kadib howlgal qorsheysan oo guul leh.

Intii uu howlgalka socday, Khawaarijta ayaa isku dayay inay laba gaari oo miineysan ku soo weeraraan ciidamada, si ay u fuliyaan weerar naf-halignimo ah. Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxaana ay guuleysteen in ay si nabad ah u burburiyaan labada gaari ka hor intaysan waxyeello geysan.

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

Howlgalkan oo qeyb ka ah ololaha “Duufaanta Aamusan”, ayaa si toos ah loogu beegsaday saldhigyo istiraatiiji ah oo ay kooxda Khawaarijta ku lahaayeen gudaha magaalada, waxaana lagu jebiyay difaacooda. Intii uu socday howlgalka, in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay.

Howlgalka oo socday muddo afar maalmood ah, ayaa lagu gaaray guulo muhiim ah, inkastoo ay ku shahiideen 2 askari oo ka tirsan CXD, halka 12 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen, kuwaas oo si degdeg ah loogu sameeyay daryeel caafimaad.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si gaar ah u bogaadineysaa geesinimada, feejignaanta, iyo naftu-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada Uganda, iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamka. Wasaaraddu waxay mar kale adkeynaysaa go’aanka cad ee ah in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqullo ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ee Safiirro Cusub

Next Post

Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

Next Post
Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

Bariirre oo lagu jabiyay khawaarijta

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In