Tuesday, July 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Ciraaq

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
11 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Ciraaq
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socda dalka Ciraaq, oo uu hoggaaminayo La-taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Sarreeye Guud Ziyad Daha Cali iyo Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caaalmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq Sarreeye Gaas Calaa Canshuur Manaati oo maanta dalka ku yimid booqasho rasmi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada iyo isdhaafsiga khibradaha.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

July 7, 2026

General Fartaag oo uga mahadceliyey safarka ay ku yimaadeen dalka, ayaa xusay in booqashadani ay tahay tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca amniga.

Booqashadani waxa ay daba socotaa safarkii uu Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Ciraaq iyo hishiiskii iskaashiga Amni ee Labada wasaarood ay Kala saxiixdeen, kuna qotomay Xoojinta iskaashiga dhinaca Amniga, isdhaafsiga khibradaha iyo ka faa’iideysiga khibrada Ciraaq ee dhinaca la dagaalanka argagixisada.

Previous Post

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

Next Post

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Next Post
DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi  Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

July 7, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS   oo dhiirrigelin ugu tegay Ciidamada ku sugan Wargaadhi

July 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim...

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho oo ka qeybgalay kulan ay soo agaasimeen ganacsato

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho oo ka qeybgalay kulan ay soo agaasimeen ganacsato

July 6, 2026
0

Mareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur ( Ameriko), ayaa ka qayb galay kulan ay soo Agaasimeen...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed

July 6, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In