Monday, June 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
10 months ago
in Wararka
0
DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday hirgelinta Adeegga Diiwaangelinta Madaniga ah ee Dijitaalka ah ee mideysan, kaas oo hadda ka shaqaynaya 19 degmo oo ku kala yaalla Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug, iyo Gobolka Waqooyi Bari. Degmooyinkaas waxaa ka mid ah: Caabudwaaq, Cadaado, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Balcad, Warsheekh, Buuloburde, Baladweyne, Jowhar, Afmadow, Buuloxaawo, Dhoobley, Garbahaarey, Kismaayo, Baraawe, Diinsoor, Waajid, Xudur, iyo Laascaanood.

Nidaamka cusub wuxuu u oggolaanayaa maamulka deegaanada in si dijitaal ah loo diiwaangeliyo dhalashooyinka, guurka, furriinka, iyo dhimashada, iyadoo dhammaan xogaha lagu kaydinayo keyd qaran oo dhexe. Masuuliyiintu waxay sheegeen in tani ay ka caawin doonto in laga gudbo caqabadaha muddada dheer ka jiray helitaanka dukumentiyada rasmiga ah isla markaana la hagaajiyo adeeg bixinta.

Related posts

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026

Wasaaraddu waxay hadda ka shaqaynaysaa in nidaamka cusub lagu xiro adeegyada kale ee dowladeed, oo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada, aqoonsiga qaranka, iyo socdaalka. Sidoo kale waxaa qorshuhu yahay in adeegga lagu fidiyo dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, si loo hubiyo in bulshooyinka ku nool meelaha fog fog ay helaan adeeggan.

Soomaaliya waxay markale xaqiIjisay sida ay uga go’an tahay baaqa Qaaradda ee ah in la horumariyo, nidaamyada Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Tirakoobka Nolosha, si muwaadin kasta oo Afrikaan ah loo tiriyo looguna daro diiwaannada rasmiga ah ee dowladaha.

Previous Post

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Ciraaq

Next Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Next Post
Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad oo maanta ka furmay Gaalkacyo

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo si rasmi ah uga bilowday imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee dugsiyada Galmudug,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In