Sunday, September 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
August 10, 2025
in Wararka
0
Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo la soo gabagabeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Ibraahim Bilaal, ayaa maanta soo xiray aqoon isweydaarsi aba maalmood socday ee ku saabsanaa Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.

Tababarkan, oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa ka qeyb galay 20 suxufi oo ka kala socday xarumo warbaahinta Koofur Galbeed.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Oo Kulan La Yeeshay Kusimaha Wasiirka Caafimaadka Dalka Botswana

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Oo Kulan La Yeeshay Kusimaha Wasiirka Caafimaadka Dalka Botswana

September 28, 2025
Wasiirka Maaliyadda XFS Oo La Kulmay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

Wasiirka Maaliyadda XFS Oo La Kulmay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

September 28, 2025

Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa tilmaamay in ujeeddada tababarka ay tahay xoojinta fahamka saxafiyiinta ee tabinta doorashooyinka si waafaqsan mabaadi’da saxaafadda iyo shuruucda doorashooyinka, isaga oo uga mahadceliyay suxufiyiinta ka faa’iideystay

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Koonfur Galbeed, Mudane Muxudiin Xasan Maxamed (Xusni), ayaa bogaadiyay iskaashiga labada wasaaradood, wuxuuna ku booriyay suxufiyiinta inay dhaqan geliyaan aqoonta ay ka heleen aqoon-isweydaarsigan.

Mudane Maxamed Bilaal Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Koofur Galbeed ayaa gabagabadii Tababarka sheegay in Aqoon isweydaarsigani ku soo aaday xilli loo baahnaa oo waddanka oo dhami ay ka socoto diiwaan galinta codbixjyayaasha doorashooyinka, waxaana uu kula dardaarmay suxufiyiinta kor u qaadista baahin ku dhisan mabaadi’da warbaahinta iyo hufnaanta doorashooyinka.

Tababarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ay wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ku qabato dalka iyada oo kaashanaysa Xafiiska Qaramada Midoobay ee xilliga kala guurka ( UNTMIS) wuxuuna qeyb yahay tixane tababar ah oo lagu horumarinayo fahamka doorashooyinka iyo kaalinta muhiimka ah ee warbaahinta Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Aljeeriya

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Agaasimaha Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Oo Kulan La Yeeshay Kusimaha Wasiirka Caafimaadka Dalka Botswana

Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Oo Kulan La Yeeshay Kusimaha Wasiirka Caafimaadka Dalka Botswana

September 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maxamed Xasan Maxamed, ayaa kulan ku yeeshay...

Wasiirka Maaliyadda XFS Oo La Kulmay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

Wasiirka Maaliyadda XFS Oo La Kulmay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga

September 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO(RIYAD):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga...

Dekadaha Muqdisho Iyo Berbera Oo Loo Aqoonsaday Kuwa Ugu Waxqabadka Wanaagsan Bariga Afrika

Dekadaha Muqdisho Iyo Berbera Oo Loo Aqoonsaday Kuwa Ugu Waxqabadka Wanaagsan Bariga Afrika

September 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Dekadaha Muqdisho iyo Berbera ayaa waxa loo aqoonsaday inay yihiin, kuwa ugu waxqabadka wanaagsan guud ahaan Bariga Afrika,...

Madaxweynaha JFS Oo Qayb Galay Kulan Casho Sharaf Uu Ku Martigeliyay Dhiggiisa Mareykanka

Madaxweynaha JFS Oo Qayb Galay Kulan Casho Sharaf Uu Ku Martigeliyay Dhiggiisa Mareykanka

September 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu martigaliyay Madaxwaynaha Maraykanka Mundane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In