Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐫𝐚𝐚𝐪 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮 tegay 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤a
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay Wafdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowlada Ciraaq oo uu hogaaminayo La-taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha, Sarreeye Guud Ziyad Daha Cali iyo Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caalimaga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq Sarreeye Gaas Calaa Canshuur Manaati, kuwaas oo booqasho ku yimid xarunta dhexe ee HSJ, Waxana kulanka qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha JFS Mudane Yuusuf Cali, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyo sidoo kale mas’uuiyiin kale oo ka tirsan HSJ.

Ugu horrayn, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa wafdiga siiyay warbixin guud oo ku saabsan dedaallada lagu xaqiijinayo horumarinta baasaboorka Soomaaliyeed iyo isbeddellada lagu sameeyay adkaynta lagu codsado baasaboorka, hirgelinta nidaamka PISCES, iyo saxiixyada heshiisyada wada-shaqaynta ee Interpol oo qayb ka qaadanayo adkaynta amniga socdaalka iyo Xuduuddaha. Sidoo kale, waxa uu la wadaaagy wafdiga wada hadallada caalami ah ee dhawaan lala yeeshay dalalka Norway, Switzerland, Germany iyo Ingiriiska kuwaas oo dhawaan la filayo in mira dhalkooda qayb ka qataan horumarinta kaabayasha Hay’adda.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Dowladda Ciraaq iyo Dowladda Soomaaliya horay ula haayeen xiriir qoto dheer oo taariikhi ah isla markaana Hay’adaha labada dal ee socdaalka iyo jinsiyada ay iska kaashankaraan khibrad wadaag iyo isdhaafsiga xogta iyo horumarinta kaabayasha teknoolajiyada casri ah, waxa uu sidoo kale Dowladda Ciraaq ka codsaday in ay ka taageeran HSJ tababarka saraakiisha iyo dhismaha machadka tababarka.

Dhanka kale, Wafdiga Dowlada Ciraaq ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta iyo martiqaadka loo sameeyay, isla markaana waxa ay casuumaad rasmi ah u fidiyeen Agaasimaha Guud ee HSJ si uu booqasho rasmi ah ugu tago dalka Ciraaq. Waxa ay sidoo kale ballan qaadeen inay HSJ kala shaqeyn doonaan tababarro kala duwan oo la xiriira baasaboorrada, dalku-galka, iyo socdaalka, iyagoo sheegay in ay ka caawin doonaan tababarka saraakiisha HSJ. Sidoo kale, Wafdiga ayaa kormeer lagu tusiyay xafiiska baarista iyo hubinta dukumentiyada, xafiiska madbacadda, iyo xafiiska dalku-galka ee elektarooniga ah (E-visa).

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Next Post

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Next Post
Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Somali FM Meets Algerian Agriculture Minister to Boost Farming Cooperation

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In