Monday, September 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 15, 2025
in Wararka
0
Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray Ceeldheer, Bariirre, Sabiid, Caanoole iyo Wargaadhi waxa ay direen dhawr fariimood oo mudan in lagu baraarugo” sida uu sheegay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta mudane Cabdiraxmaa Yuusuf Cadaala.

Related posts

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

September 15, 2025

Fariinta koowaad, waxa ay muujiyeen awoodda Ciidanka Qaranka in ay difaac iyo duullaan labaduba ku jabin karaan ugana adag yihiin Khawaarijta, sababta oo ah dagaallada qayb waxay ahayd duullaan ay soo qaadday Khawaarijtu sida Ceeldheer iyo Wargaadhi si xun ayaana loogu jabiyay, halka Bariirre, Sabiid iyo Caanoole ay Ciidanka Qaranka duullaan ahaayeen kuna jabiyeen difaacyadii Khawaarijta halkaasi ku lahayd.

Fariinta labaad ee ku jirta waa in si cad Ciidanka Qaranka u beeniyeen fariimihii Siyaasadaysnaa ee sheegayay in Ciidamada kala daateen ama aanay u babac dhigi karin duullaanada Khawaarijta, mar haddii ay weerarro lagu tilmaamay kuwii ugu xooganaa, uguna abaabulnaa ee Khawaarijta iyo difaacyadii ugu adkaa ee dhulka hoostiisa ay ka samaysteen Khawaarijtu ay labaduba dulmareen Ciidanka Qaranka.

Fariinta sadexaad, waa in ay beenawday fariimaha dibadda iyo gudaha ee sheegayay in khawaarijtu ay qarka u saaran tahay in ay Dalka qabsato, maadaama maalin cad lagu jabiyay duullaanadii ay soo qaadeen iyo difaacyadoodii ay ku dhuumaaleysan jireen intuba.

Fariinta afaraad, waa in sida muuqata hadda ay Ciidamada Qaranku fahmeen xeeladna u yeesheen fashilinta tabihii ugu dambeeyay ee ay Khawaarijtu isticmaalaysay sida Gawaarida Qaraxyada ah oo sida lawada arkay ay qarxiyeen Ciidamadu kahor inta aanay soo gaarin xeryahooda iyo iska caabinta weerarada xero taraarka ah ee Khawaarijta oo qaraxyada kadib ay ku geli jireen xarumaha Ciidamada, balse hadda la arkay iyaga oo Maydkooda la is dulsaaray inta aanay gaarin yoolkooda”.

Isku-gayntu waxa ay tahay, waa xaqiiq in Dalkeennu ku jiro dagaal daba dheeraaday oo ka dhan ah Khawaarijta doolka ah, waa xaqiiq in ay yihiiin qatar Qaran oo dhab ah, waxaase xaqiiqo kale oo jirto ah in 15-kii sano ee la soo dhaafay Khawaarijtu ay sii daciifaysay awood ahaan, halka Ciidanka Qarankuna soo xoogaysanayay taas oo ka dhigan in aan si togan cagta ugu hayno jidkii aan uga takhalusi-lahayn Khawaarijta, Insha Allah.

Calaamadda ugu wayn waa xasiloonida ay dareemayaan dadka ku nool magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Marka, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Boosaaso iyo goobo kale oo si joogta ah ay Khawaarijtu qaraxyo iyo dilal uga gaysan jirtay balse Bulshooyinka ku nool Magaalooyinkaas ay hadda ka nasteen maqalka xanuunadaas kadib markii loo awood sheegtay Khawaarijta.

Ku darso dhamaan Dhulka lagu dagaallamayo maanta, sanado yar kahor wuxuu ku jiray gacanta Khawaarijta wuxuuna isugu jiraa mid laga saaray iyo mid lagu socdo.

Dhamaan waa tusaalooyin muujinaya jihada aan ku socono oo ah Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarij, kuna naaloonaysa nabad, deganaan iyo Dawladnimo, Alle Idamkiisa.

Inta inooga Shahiiday Alle ha u aqbalo, inta dhaawacantayna Alle ha u booga dhayo, inta ehelkooda ku waysay badal Khayr leh Alle ha siiyo, inta Dagaalka ku jirtana Alle ha sugo, guushana haku makaniyo.

Cabdiraxmaan Cadaala Wasiir ku xigeenka Warfaafinta

Previous Post

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
0

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo ay soo agaasintay Hay’adda Taya-dhawrka Qaranka.   Shirkan...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

September 15, 2025
0

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka, iyo sidoo kale ku xadgudubka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

September 15, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in guushii ciidanka qaranku ka gaareen dagaalkii Khawaarijta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qaybgalay kulanka loogu gogol-xaarayo Shir-madaxeedka wadamada Carabta iyo Islaamka

September 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaalan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Axad ah kaga qeybgalay magaalada Dooxa shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In