Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa furay kulanka billaha ah ee guddiga farsamo ee xiriirka arrimaha xasilinta.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay wasaaradaha iyo hay’addaha dowladda federaalka ah ee ka shaqeeya howlaha xasillinta dalka.
Shirka ayaa lagu falanqeeyay xoojinta baahinta iyo mideynta farriimaha dowladdu ku wajahdo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo xoogga la saarayo howlaha hortabinnada leh iyo baahiyaha deegaannada laga xoreeyay.
Xubnaha guddiga ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlaha xasilinta iyo taageerada bulshada, waxaana ka qeyb galay hay’ado ay kamid tahay SoDMA.
Ugu dambeyn, Wasiir Xoosh ayaa ku boorriyay guddiga in ay dardar geliyaan howlaha xasilinta, joogteeyaan dadaallada socda, isla markaana ay mideeyaan farriimaha nabadda iyo dowladnimada.