Friday, June 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona muddo laba maalmood ah si looga hadlo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030).

Kulankan ayaa la isugu keenay wakiillo ka kala socda Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda iyo sidoo kale shirkadaha Isgaarsiinta, si ay dib u eegis iyo turxaan bixin u sameeyaan khariidadda dhijitaalka ah ee dalka oo lagu horumarinayo koboc loo dhan yahay, hal-abuurnimo iyo adeegyo casri ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026

Mudane Mustafa Almahdi, oo ah Sarkaalka Barnaamijyada ee Xafiiska Carabta ee ITU, oo ka hadlay furitaanka, ayaa xaqiijiyay taageerada ITU ee aragtida dhijitaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta qaranka iyadoo loo marayo teknoolajiyadda.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka Wadatashiga, ayaa sheegay in istaraatiijiyadda ay tahay calaamad muujinaysa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo horumar dhijitaal oo waara, taasoo muujinaysa sida dalkeennu uga go’an tahay dhismaha nidaam dhijitaal ah oo adkeysi leh oo loo dhan yahay. Wuxuu sidoo kale xoojiyay muhiimadda iskaashi xooggan oo dhex-mara dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo bah-wadaagta horumarka si loo hirgeliyo loona sii wado waaritaankiisa.

Dhankiisa, Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali), Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, ayaa tilmaamay in Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhamaan hindisayaasha la xiriira ICT-da ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay sida ay dowladdu uga go’an tahay isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardargeliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha.

Inta lagu guda jiro labada maalin ee wada-tashigu socdo, ka-qaybgalayaashu waxay ka doodi doonaan aragtida dhijitaalka ee Soomaaliya, tiirarka istaraatiijiyadda, iyo qorshaha hirgelinta, iyagoo xoogga saaraya qaab-dhismeedka maamul, hababka maalgelinta, iyo waafaqsanaanta istaraatiijiyadeed ee Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Wada-tashigan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee Soomaaliya ay ku xoojinayso maamulka dhijitaalka ah iyo dardar-gelinta horumarka dhijitaal ee loo dhan yahay.

Previous Post

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

Next Post

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Next Post
Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66 sano...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Wasaaradda kusoo dhaweeyay kusimaha safiirka Liibiya ee Soomaaliya 

June 23, 2026
0

Muqdisho, 23 June, 2026: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa...

DFS oo garab istaag u muujisay dhiggeeda Qatar dhacdadii Ras Laffan

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda AricadeeyeARICADEEYE

June 23, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ka xuntahay colaadda ka socota deegaanka Aricadeeye, taas...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In