Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 months ago
in Wararka
0
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona muddo laba maalmood ah si looga hadlo Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030).

Kulankan ayaa la isugu keenay wakiillo ka kala socda Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda iyo sidoo kale shirkadaha Isgaarsiinta, si ay dib u eegis iyo turxaan bixin u sameeyaan khariidadda dhijitaalka ah ee dalka oo lagu horumarinayo koboc loo dhan yahay, hal-abuurnimo iyo adeegyo casri ah.

Related posts

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026

Mudane Mustafa Almahdi, oo ah Sarkaalka Barnaamijyada ee Xafiiska Carabta ee ITU, oo ka hadlay furitaanka, ayaa xaqiijiyay taageerada ITU ee aragtida dhijitaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta qaranka iyadoo loo marayo teknoolajiyadda.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka Wadatashiga, ayaa sheegay in istaraatiijiyadda ay tahay calaamad muujinaysa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo horumar dhijitaal oo waara, taasoo muujinaysa sida dalkeennu uga go’an tahay dhismaha nidaam dhijitaal ah oo adkeysi leh oo loo dhan yahay. Wuxuu sidoo kale xoojiyay muhiimadda iskaashi xooggan oo dhex-mara dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, iyo bah-wadaagta horumarka si loo hirgeliyo loona sii wado waaritaankiisa.

Dhankiisa, Mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali), Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, ayaa tilmaamay in Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhamaan hindisayaasha la xiriira ICT-da ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay sida ay dowladdu uga go’an tahay isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardargeliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha.

Inta lagu guda jiro labada maalin ee wada-tashigu socdo, ka-qaybgalayaashu waxay ka doodi doonaan aragtida dhijitaalka ee Soomaaliya, tiirarka istaraatiijiyadda, iyo qorshaha hirgelinta, iyagoo xoogga saaraya qaab-dhismeedka maamul, hababka maalgelinta, iyo waafaqsanaanta istaraatiijiyadeed ee Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Wada-tashigan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee Soomaaliya ay ku xoojinayso maamulka dhijitaalka ah iyo dardar-gelinta horumarka dhijitaal ee loo dhan yahay.

Previous Post

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

Next Post

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Next Post
Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay  Turkiga

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Shaqada XFS oo safar shaqo ku tegay Turkiga

January 12, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee JFS, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda, Mudane...

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha SoDMA oo gaaray Dhoobley

January 12, 2026
0

Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In