Sunday, December 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(Kigali-Rwanda):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa kulan muhiim ah kula qaatay magaalada Kigali ee dalka Rwanda Taliyaha Ciidanka Lugta ee dalka Nigeria, Major General Usman Abdulmumin Yusuf.

Kulanka labada taliye ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee dhinaca ciidamada ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Nigeria, gaar ahaan dhinacyada la-dagaallanka argagixisada, is-weydaarsiga khibradaha dagaal, iyo tababarada ciidamada.

Related posts

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

December 28, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

December 28, 2025

Labada Taliye ayaa isku raacay in la sii ballaariyo iskaashiga labada ciidan, maadaama ay labada dal wajahaan cadow isku dabeecad ah oo argagixiso ah, islamarkaana ay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku xoojinayaan iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Ra'iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta kulan aan caadi ahayn ku yeeshay xarunta Villa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa...

Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Oo Maanta Lagu Dhawaaqi Doono

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Ee Gobolka Banaadir

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ku dhawaaqay warbixinta natiijada doorashadii golayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir....

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

December 28, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo la hadlay Telefishinka Al-Jasiira ayaa sheegay in Israa'iil ay doonayso...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In