Sunday, October 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
13 hours ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş, oo ay la socdeen madaxda Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Madaxa Shirkadda Favori ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta garoonka, waxa uuna xusay in isbeddel muuqda lagu sameyn doono qeybaha kala duwan ee adeegyada garoonka, si uu ula jaanqaado heerarka caalamiga ah.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

October 25, 2025
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

October 25, 2025

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey shirkadda Favori dadaalka ay ku bixisay horumarinta Garoonka Aadan Cabdulle, ayaa sheegay in garoonku uu yahay albaabka ugu muhiimsan ee dalka laga soo galo, loona baahan yahay in uu noqdo mid horumarsan oo leh adeegyo casri ah.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xusay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aaddan sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya,...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Nigeria

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Kigali-Rwanda):-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid), ayaa kulan muhiim ah...

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Hague-Netherland):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), iyo wafdi uu hoggaaminayo,...

Wasiirka Awqaafta XFS Oo La Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

Wasiirka Awqaafta XFS Oo La Kulmay Madaxweynaha Dalka Jabuuti

October 25, 2025
0

RADIO MUQDISHO(JABUUTI):-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo toddobaadkan booqasho rasmi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In