Thursday, April 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Nairobi ku soo xiray shir looga hadlayay bixinta digniinaha halista musiibooyinka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
5 months ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Nairobi ku soo xiray shir muhiim ah oo lagu gorfeeyay digniinaha hore ee musiibooyinka iyo ka hortagga halis wadareedyada.

Shirka waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha Howlaha Guud iyo Maaliyadda, dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo maayarada magaalooyinka uu ka socdo mashruuca NAGAAD iyo SCRP oo uu maalgeliyo Bankiga Adduunka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Ujeeddada ugu weyn ee shirka ayaa ahayd in bulshada Soomaaliyeed loo suurtogeliyo helitaanka digniino horudhac ah oo ka hortag u noqda musiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo sidoo kale la falanqeeyay adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah si loo fududeeyo gudbinta xogta halista.

Hay’adda SoDMA ayaa soo bandhigtay hanaanka ay u maareyso xogta digniinaha musiibooyinka, iyadoo la adkeeyay muhiimadda iskaashiga hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Faarax Cabdinuur Axmed, ayaa ku baaqay wada shaqeyn joogto ah oo yareyn karta halista musiibooyinka.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa sheegay in hay’addu ay ka go’an tahay in bulshada Soomaaliyeed ay mar walba hesho digniino hore si loo badbaadiyo naf iyo maal ka hor inta aan musiibo dhicin.

Previous Post

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)

Next Post

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

Next Post
Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

Shacabka degmada Waajid oo maanta u dareeray isdiiwaangelinta kaarka aqoonsiga Qaranka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In