Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 months ago
in Wararka
0
Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka oo ka hadlay tabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya Cabdiwali Timacadda, ayaa ka hadlay tabasho ay muujiyeen qaar ka mid ah muwaadiniinta, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay sawirro iyo muuqaallo muujinaya dad Soomaaliyeed oo xilli dambe saf ugu jira xarumaha hay’adda si ay u helaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Maareeyaha, oo qoraal ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee Facebook, ayaa shacabka ku xusuusiyay habraacyada rasmiga ah ee lagu helo kaarka aqoonsiga, isaga oo faahfaahiyay tallaabooyinka ay hay’addu qaaday si loo yareeyo culayska iyo safafka dhaadheer ee ka jira xarumaha NIRA.

 

“Waxaan arkay muuqaal muujinaya hooyooyin Soomaaliyeed oo xilli habeennimo ah hor fadhiya mid ka mid ah xarumaha NIRA ee gobolka Banaadir. Sidaasi awgeed, waxaan rabaa inaan bayaamiyo dhowr qodob,” ayuu yiri Maareeyaha.

 

Ugu horrayn, waxa uu sheegay inay ka xun yihiin in muwaadiniintu xilli aan habboonayn saf ugu jiraan xarumaha NIRA, isagoo tilmaamay in hay’addu ay dadaalka laba-jibbaartay si kor loogu qaado adeeg-bixinta. Wuxuu xusay in hadda maalintii loo adeego ku dhowaad 20,000 oo qof, taas oo muujinaysa horumar ballaaran oo la gaaray.

 

Isagoo ka jawaabaya cabashada shacabka, Maareeyaha ayaa sheegay in hay’addu go’aansatay in xarumo gaar ah laga dhigo kuwo habeen iyo maalinba shaqeeya, si muwaadiniintu si fudud u helaan adeegga diiwaangelinta. “Xarumaha hadda shaqeeya laga bilaabo 5:00 galabnimo ilaa 12:00 habeenimo waxaa ka mid ah xarumaha NIRA ee Hodan iyo Boondheere,” ayuu yiri.

 

Sidoo kale, Maareeyaha ayaa shacabka xusuusiyay in xarumaha NIRA ay subax kasta furmaan 7:00da aroornimo, sidaas darteedna aanay jirin faa’iido laga helo in xarunta la yimaado ka hor waqtigaas.

 

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in hay’addu ay si buuxda uga go’an tahay diiwaangelinta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la tixgelinayo duruufahooda kala duwan. Wuxuu ku adkeeyay in adeegga Aqoonsiga Qaranka uu weli yahay mid lacag la’aan ah, islamarkaana uu shacabka ugu baaqay dulqaad, nidaam-raac iyo ixtiraamka habraacyada rasmiga ah ee NIRA

Previous Post

Masar oo xaqiijisay taageerada howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya

Next Post

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Next Post
Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In