Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Hortagay Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada Ee Golaha Shacabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka, ay hoggaamineysay Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, ayaa kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan.

Inta lagu guda jiray kulanka, guddiga waxay wasiirka ka dhageysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan:

Related posts

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

January 12, 2026
Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

January 12, 2026

Dhacdadii dhawaan ka dhacday iridda hore ee Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, oo ay hooyo Soomaaliyeed ku hor umushay; dhacdo taabatay shucuurta shacabka Soomaaliyeed iyo madaxda dalka. Wasiirku wuxuu caddeeyay in isla xisaabtanka iyo baaritaannada la xiriira arrintaasi ay socdaan.

Adeegyada kala duwan ee Isbitaalka, oo ay ka mid yihiin:-

  1. Daryeelka hooyada iyo dhallaanka,Cudurrada guud
  2.  Qaybta gargaarka degdegga ah
  3. Nafaqo darrida carruurta
  4. La–tacaalida cudurrada HIV iyo Cancer, taas oo  qayb kasta ay ka howlgalaan dhaqaatiir takhasus gaar ah leh, sida uu wasiirku xusay.

Caqabadaha jira, oo uu wasiirku ku sheegay kuwa ugu waaweyn: shaqaale yaraanta marka loo eego tirada bukaannada badan, taas oo mararka qaarkood keenta in adeegyadu ku dheeraadaan.

Kadib kulanka, guddigu waxay kormeer shaqo ku tageen Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, iyagoo booqday qeybaha kala duwan, islamarkaana si toos ah ula hadlay qaar ka mid ah bukaannada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa u mahadcelisay guud ahaan howl-wadeenada caafimaadka, kuna dhiirrigelisay shaqada muhiimka ah ee ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale ballanqaadday in guddigu door muuqda ka qaadan doono horumarinta adeegyada iyo daboolista baahiyaha ka jira isbitaalka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka“Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS Oo Kulan-Doceed La Qaatay Saraakiil Ka Socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga Ah Ee Qaramada Midoobay

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

Somalia and China Reaffirm Strategic Partnership and Mutual Support on Core Interests

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a...

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Holds Virtual Talks with Korean Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 12, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held virtual bilateral talks on Monday with his...

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka oo ka qaybgalay kormeerka Doorashooyinka Uganda

January 12, 2026
0

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Cismaan Shaatax, ayaa shalay iyo maanta ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Kampala ee...

Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

Dowladda Soomaaliya oo baabi’isay dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta

January 12, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In