RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/laahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Ustaad C/raxmaan Yacquub oo kamid ahaa Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Wariye C/raxmaan Yacquub waxa uu mudo dhowr iyo toban sano ah ka tirsanaa wariyeyaasha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u qaabilsanaa wararka Arrimaha Dibadda, sidoo kalena wuxuu can ku ahaa Barnaamijka Muuqaalka Dunida.
Wasiir Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa si gaar ah tacsi ugu diray qoyskii, carruurtii iyo guud ahaan bahda Warbaahinta Qaranka oo uu marxuumka ka baxay isagoo Allah uga baryey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna Allah inaga wada siiyo. Aamiin .. Aamiin.. Aamiin.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN










