Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay Guddiga dib-u-eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka oo ku guda jira howlahooda dib-u-eegista Dastuuurka gaar ahaan cutubyada 5-aad illaa 9-aad ee uu Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurku usoo gudbiyay.
Guddoomiye Cali Shacbaan oo si kooban uga hadlay muhiimadda dastuur dhammeystiran uu u leeyahay geeddi-socodka siyaasadeed iyo dimuqraadiyadeed ee dalka, ayaa ku boorriyay xubnaha guddiga dib-u-eegista iyo la-socodka hirgelinta Dastuurka in la dardargeliyo howlaha wax-kabeddelka Dastuurka.










