Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenkii hore ee dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa maanta kaararkooda cod-bixinta ka qaatay xarunta Tiyaatarka Qaranka oo xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay xafiis ku meel gaar ah ka sameysteen.
Wasiirka iyo Xildhibaanka ayaa shacabka Soomaaliyeed ee is diiwaan-geliyey ugu baaqay inay goobaha cod-bixinta iska xaadiriyaan maalinta Khamiista ah oo gobolka Banaadir looga dareerayo doorashada Golaha Deegaanka, sida uu iclaamiyey Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Gobolka Banaadir waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyey ee doorashada Golaha Deegaanka oo dhaceysa maalin kadib, waxaana kaararka cod-bixinta laga qaadanayaa goobaha loo asteeyey.











