RADIO MUQDISHO:-Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay madax-bannaanida,midnimada dhuleed, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo si adag u cambaareysay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil ku soo qaaday madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.











