Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Suuriya Oo Si Kulul U Cambaaraysay Israa’iill

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
2 months ago
in Wararka
0
Dowladda Suuriya Oo Si Kulul U Cambaaraysay Israa’iill
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya ayaa si kulul u cambaareysay kuna gacan sayrtay aqoonsiga dhex maray Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo mar kale xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee midnimada, madax-bannaanida iyo dhuleednimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Suuriya soo saartay, oo taariikhdiisu tahay 27-ka Diseembar 2025, ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana ay si toos ah u dhaawacayso madax-bannaanida iyo midnimada qaran ee Soomaaliya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Kilya dhaqista iyo Bandhigga dhiigga Qaranka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Kilya dhaqista iyo Bandhigga dhiigga Qaranka

February 17, 2026

Bayaanka ayaa caddeeyay in tallaabooyinka noocan ah aysan lahayn wax sharciyad ah, isla markaana aysan dhalin karin wax saameyn sharci ah, maadaama ay ku dhisan yihiin ku tumashada mabaa’diida aasaasiga ah ee xiriirka dowladaha iyo ixtiraamka xuduudaha caalamiga ah ee la aqoonsan yahay.

Suuriya waxay sidoo kale ka digtay isku day kasta oo lagu abuurayo hay’ado ama maamullo gooni-goosad ah ama lagu taageerayo mashruucyo kala qaybin ah, iyadoo ku tilmaantay arrintaas mid halis weyn ku ah amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana leh cawaaqib siyaasadeed iyo amni oo khatar ku ah dalalka iyo shucuubta ku dhaqan Geeska Afrika.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa mar kale carrabka ku adkaysay mowqifkeeda aan is bedelin ee ah taageerada buuxda ee midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo ixtiraamka madax-bannaanideeda, iyadoo si cad u diidday tallaabo kasta oo lagu doonayo in lagu wiiqo ama lagu kala jaro midnimada dhuleed ee dowladaha madaxbannaan.

Previous Post

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa’iil Ee Soomaaliland

Ra'iisul Wasaare Xamse Oo Ka Hadlay Qorshaha Ka Dambeeya Aqoonsiga Israa'iil Ee Soomaaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka

February 17, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah maanta ku maamuusay xubnaha Madasha Mustaqbalka ee ajiibay...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Kilya dhaqista iyo Bandhigga dhiigga Qaranka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kormeeray xarunta Kilya dhaqista iyo Bandhigga dhiigga Qaranka

February 17, 2026
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Qaran...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS, oo la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan

February 17, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Muuse Jaamac Cali, Ergeyga Gaarka...

Shirka Wasiirada Maaliyadda oo Warmurtiyeed laga soo saaray

Shirka Wasiirada Maaliyadda oo Warmurtiyeed laga soo saaray

February 17, 2026
0

Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa warmurtiyeed ka soo saartay kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo Maamulka Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In