Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
6 months ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Khudbad Ka Horjeediyay Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda, kaas oo si bareer ah ugu tuntay shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay naf iyo maalba u horayaan ilaalinta qarannimadooda iyo midnimadood, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in xilligan loo wada istaago ka hortagga halista ku aaddan jiritaankeenna Soomaalinimo, xasilloonida iyo nabadda gobolka.

Related posts

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

June 28, 2026
Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

June 28, 2026

“Tallaabada Netanyahu waa mid aan marnaba la aqbali karin, waxayna ka dhigan tahay duullaan cad oo lagu soo qaaday qarannimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda, ee loo yaqaan Somaliland, waa qayb aan kala go’ lahayn oo ka mid ah Soomaaliya. Mowqifkeena ma isbeddeli doono, waxaana ka digeynaa isku-day kasta oo lagu kala qeybinayo dalka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bogaadiyey garab istaagga heer gobol, heer Carbeed, heer Afrika iyo heer caalam ee ku aaddan adkaynta iyo difaaca midnimada Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa adkeeyey mowqifka soo jireenka ah ee shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ay ku garab taagan yihiin walaalaha Falastiin ee la nool xadgudubyada joogtada ah.

“Soomaaliya ma oggolaan doonto in dhulkeeda loo adeegsado dagaallo iyo fitno, waxaan diyaar u nahay in aan kaalin muuqata ka qaadanno nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka. Waxaan sidoo kale si mabda’ ahaan u diiddanahay barakicinta khasabka ah ee shacabka Falastiin”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dalalka saaxiibada ah, kuwa walaalaha ah iyo hay’adaha caalamiga ah in ay garab istaagaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed dadaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa sharci ee lagu difaacayo madaxbannaanida, midnimada iyo jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Previous Post

Guddiga Madaxa-Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashadii Golaha Deegaanka Ee Gobolka Banaadir

Next Post

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

Next Post
Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa’iil Ee Midnimada Soomaaliya

Mudanayaasha Labada Aqal Oo Ansixiyay Qaraar Ka Dhan Ah Faragelinta Israa'iil Ee Midnimada Soomaaliya

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wafdi heer sare ah oo ka socday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qayb galay shirkii...

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah...

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo gaaray magaalada Caabudwaaq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray Saldhigga Ballidoogle

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, ayaa maanta booqasho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In