Dowladda Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha ayaa si weyn oo buuxda u xaqiijisay garab istaagkeeda midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS). Dowladda Shiinaha ayaa arrintan ku tilmaamtay mid muhiim u ah ilaalinta qaranimada Soomaaliya iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.
Hadalkan ayaa ka soo baxay kulankii degdegga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (QM), kaas oo ay Soomaaliya codsatay si looga wada hadlo faragelinta dibadda iyo khataraha ka dhasha tallaabo kasta oo wax u dhimaysa madax-bannaanida dalka.
Sidoo kale, Dowladda Shiinaha ayaa ku boorisay beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka iyo Midowga Afrika, in ay qaataan mowqif mideysan oo lagu difaacayo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana laga hortago faragelin kasta oo dibedda ka timaadda.
Gabagabadi, Shiinaha ayaa xaqiijisay mowqifkeeda ku aaddan taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo caddeysay in ilaalinta midnimada, madax-banaanida Soomaaliya ay tahay waajib caalami.











