Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddiga Kheyraadka BJFS oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Deegaanka XFS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 months ago
in Wararka
0
Guddiga Kheyraadka BJFS oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Deegaanka XFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Shacabka BFS ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada. Kulanka waxaa hoggaaminayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Xildhibaan Xuseen Xaaji Cali, waxaana sidoo kale ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Hay’adda Saadaasha Hawada Adduunka (WMO), khubaro ka tirsan Wasaaradda, iyo Xildhibaanada Guddiga.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Marwo Bashiir, ayaa guddoomisay kulanka. Oo looga hadlay Sharciga Saadaasha Hawada iyo Adeegga Cimillada, oo horyaalla Golaha Shacabka.

Related posts

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

June 28, 2026
Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

June 28, 2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Xildhibaan Xuseen Xaaji Cali, ayaa ka bixiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan sharciga, isaga oo sharraxay marxaladihii uu soo maray, heerka uu haatan marayo, iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka, gaar ahaan ka hortagga iyo la-qabsiga saameynta isbeddelka cimillada.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay qodobada ku jira Sharciga Saadaasha Hawada iyo Adeegga Cimillada. Xildhibaanada Guddiga Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ayaa soo jeediyay su’aalo, talooyin iyo aragtiyo kala duwan, iyaga oo xoogga saaray sida sharcigu uga jawaabayo baahiyaha dhabta ah ee dalka, Sidoo kale, Xildhibaanadu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in sharcigu xoojiyo isku-duwidda hay’adaha dowladda, kor u qaado helitaanka xog sax ah oo ku saabsan saadaasha hawada, isla markaana uu fududeeyo gaarsiinta adeegyada cimillada ee bulshada, si gaar ah beeraleyda, xoola-dhaqatada iyo bulshooyinka nugul.

Dhanka kale, Madaxda Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada iyo khubarada la socotay ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalaha iyo talooyinka Xildhibaanada, iyaga oo sharraxay qaab-dhismeedka sharciga, heerarka uu ku dhisan yahay, iyo sida uu ula jaanqaadayo heshiisyada iyo nidaamyada caalamiga ah ee la xiriira saadaasha hawada iyo adeegyada cimillada.

Ugu dambayn, doodda iyo is-weydaarsiga aragtiyeed ayaa ku dhammaaday is-afgarad ku saabsan dardargelinta, tayeynta iyo dhammaystirka sharciga, si loo hubiyo in uu noqdo mid waxtar leh, la jaanqaadaya marxaladda uu dalku marayo, isla markaana xoojiya adkaysiga iyo u diyaargarowga Soomaaliya ee saameynta isbeddelka cimillada.

 

Previous Post

Dowladda Shiinaha oo taageertay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Next Post

Kusimaha Madaxweynaha JFS oo gaaray Dhuusamareeb

Next Post
Kusimaha Madaxweynaha JFS oo gaaray Dhuusamareeb

Kusimaha Madaxweynaha JFS oo gaaray Dhuusamareeb

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

Maxay Soomaaliya ka baran kartaa waayo-aragnimada Shiinaha?

June 28, 2026
0

Guusha dowlad kasta waxaa ugu dambeyn lagu cabbiraa saameynta ay ku yeelato nolosha shacabka. Waxbarasho tayo leh, adeeg caafimaad, shaqo-abuur,...

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

Ururka Baarlamaanka Carabta oo cambaareeyay faragelinta Israa’iil ee Qarannimada Soomaaliya

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wafdi heer sare ah oo ka socday Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka qayb galay shirkii...

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Croatia oo xoojinaya xiriirkooda Diplomaasiyadeed

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah...

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

Taliye Mahad Salaad oo kulamo kala duwan la yeeshay Bulshada Cabudwaaq

June 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo gaaray magaalada Caabudwaaq, ayaa kulamo kala duwan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In