RADIO MUQDISHO(NEW YORK):-Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan si rasmi ah ula soo wareegtay hoggaanka wareegtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ah tallaabo muujinaysa kaalinteeda ku dhex jirta nidaamka caalamiga ah isla markaana caddeynaysa, ballanqaadkeeda joogtada ah ee ku aaddan mabaadii’da Axdiga Qaramada Midoobay, gaar ahaan ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.
Inta ay hoggaanka hayso Soomaaliya, waxa ay qaadi doontaa mas’uuliyadda buuxda ee hoggaaminta hawlaha Golaha Ammaanka iyo isku-dubaridka ajandihiisa.
Arrintan ayaa ka tarjumaysa Soomaaliya iyo dadaalkeeda ku aaddan xoojinta iskaashiga dhinacyada badan, iyo taageeridda xalalka diblomaasiyadeed ee arrimaha caalamiga.











