Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
8 months ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka Oo 20-Xubnood Oo Horjoogeyaal Iyo Maleeshiyaad Khawaarij Ah Ku Dilay Gobolka Baay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO(BAAY):-Ciidamada gaarka ah ee Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay hawlgal gaar ah oo si heer sare ah loo qorsheeyay, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay, oo ka mid ah xarumaha ugu waaweyn uguna muhiimsan Khawaarijta.

Ciidamada ayaa beegsaday xarumo ay deggenaayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, waxaana intii uu hawlgalku socday lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad halkaas ku sugnaa.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay idaacad ku hadasha afka Khawaarijta oo ku taallay deegaankaas.

Hawlgalkan oo kusoo dhammaaday si guul ah, ayaa faahfaahin dheeraad ah laga sii wadaagi doonaa dadweynaha, Insha’Allaah.

Hawlgalkan ayaa imaanaya iyadoo laba maalmood ka hor gobolka Jubbada Dhexe lagu beegsaday qaar ka mid ah horjoogayaashii ugu sarreeyay kooxda, isla markaana shalay lagu jabiyay Khawaarijta duullaan ay kusoo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Bulshada Dhuusamareeb Kula Caweeyay Goobaha Nasashada

Next Post

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Next Post
Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Dowladda Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah Ula Soo Wareegtay Hoggaanka Shirka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In