Ciidamada Kumaandooska Gor Gor oo kaashanaya guutada 14-ka October iyo NISA ayaa si raami gacanta ugu dhigay deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeelaha hoose ka dib howlgal qorsheysan oo ay ciidamadu fuliyeen.
Maleeshiyaadkii Khaawarijta ee sida dhuumaaleysiga u joogay deegaankaas ayaa firxaday kadib markii ay ka war heleen in ciidamada Dowladda ay ku soo wahajan yihiin. Xaaladda deegaanka Jilib Mark waa ay degantahay, waxaanna ku sugan ciidamada isgarabsanaya ee Xoogga Dalka.
Dadka deegaanka oo qaati ka taagnaa Baadda iyo cagajugleynta Khawaarijta ayaa si weyn u soo dhoweeyay ciidamada Qaranka ee deegaanka gaaray, iyagoo uga mahadceliyay dhibta Khawaarijta ee ay ka dulqaadeen











